#Araweelo_News_Network.
Hargeysa(ANN)-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Muuse Biixi Cabdi, ayaa soo saaray digreeto magcaabis iyo xil ka qaadis uu ku sameeyay qaar ka mid ah xubnaha gollaha wasiirada.
Sida lagu shaaciyay qoraal saxaafadeed kasoo baxay qasriga Madaxtooyadda Salaasadii oo ku taariishaysan 14 Nov 2023, oo nuqul ka mid ah soo gaadhay Shabahakaddaha Araweelo News Network, Madaxweyne Biixi wuxuu xilalkii ay hayeen ka qaaday dhawr xubnood oo ka mid ah gollaha Wasiiradda, isagoo kuwo kalena u beddelay wasaaraddo, halka masuuliyiin cusub oo beddelaya xubnaha xalalka laga qaaday uu kusoo daray gollihiisa wasiirrada.
Qoraal Saxaafadeedka soo gaadhay Araweelo News Network, ayaa u dhignaa sidan:
Wareegtooyin Madaxweyne 14.11.2023
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi waxa uu wareegtooyin Madaxweyne uu xilka qaadis, magacaabid iyo Bedel ku sameeyey qaar ka mida xubnaha Golaha Wasiirrada Jamhuuriyadda Somaliland.
Waxaanay u dhignayd Wareegtada Madaxweynuhu Sidan:-
Ujeeddo: Xil Ka-qaadis.
- Ku: Cabdiqaadir Iimaan Warsame;
Wasiirkii Wasaaradda Horumarinta Beeraha
- Ku: Dr. Cabdiweli Sh. Cabdillaahi Suufi Jibriil;
Wasiirkii Wasaaradda Isgaadhsiinta iyo Tignoolajiyadda
- Ku: Sh. Cabdirisaaq Xuseen Cali Albaani;
Wasiirkii Wasaaradda Diinta iyo Awqaafta
- Ku: Cabdi Cismaan Cabdulle Dhaga-weyne;
Wasiirkii Wasaaradda Horumarinta Maal-gashiga
Mudanayaal,
Sida aad la socotaan, xilka Qaranka ayey dabcigiisa tahay in uu meerto noqdo, oo hadba loo igmado ciddii hanan karta. Sidaa darteed, waxaan gartay in laga bilaabo taariikhda maanta aan idinka qaado xilalkii aad u hayseen Qaranka. Waxaan idiinka mahad-celinayaa muddadii aad hayseen xilalka Qaran.
Ujeeddo: Magacaabid.
Wareegtooyin Madaxweyne; Magacaabid iyo Isku-beddel
Markaan Arkay: Dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland, Qodobka 90aad;
Markaan Arkay: Aqoontooda, Kartidooda iyo Waaya-aragnimadooda;
Markaan ku Qancay: In ay Hanan Karaan Masuuliyadda ka Dhalanaysa Xilalkan;
Markaan Sameeyey: La-tashi;
Waxaan Go’aamiyey;
In laga bilaabo taariikhda maanta aan xilalkan u magacaabo masuuliyiinta hoos ku xusan:
Tir | Magaca | Xilka |
1. | Axmed Yuusuf Idiris Cawaale | Wasiirka Wasaaradda Isgaadhsiinta iyo Tiknoolajiyadda |
2. | Axmed Aadan Axmed Buuxane | Wasiirka Wasaaradda Waxbarashada iyo Sayniska |
3. | Axmed Maxamed Diiriye Cige | Wasiirka Wasaaradda Qorshaynta iyo Horumarinta Qaranka |
4. | Cabdirisaaq Ibraahim Maxamed Faarax | Wasiirka Wasaaradda Horumarinta Maal-gashiga |
5. | Cali Xasan Maxamed Jaamac | Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Wacyigelinta iyo Dhaqanka |
6. | Saleebaan Yuusuf Cali Koore | Wasiirka Wasaaradda Horumarinta Biyaha |
7. | Maxamed Xaaji Aadan Cilmi Maxamuud | Wasiirka Wasaaradda Diinta iyo Awqaafta |
8. | Cabdinaasir Muxumed Xasan Buuni | Wasiirka Wasaaradda Xidhiidhka Golayaasha iyo Arrimaha Dastuurka |
9. | Raabbi Cabdi Maxamed Maxamuud | Wasiirka Wasaaradda Kalluumaysiga iyo Horumarinta Xeebaha |
10. | Saleebaan Cawad Cali Bukhaari | Wasiirka Wasaaradda Gaadiidka iyo Horumarinta Jidadka |
11. | Axmed Maxamed Habbane | Wasiirka Wasaaradda Horumarinta Beeraha |
ALLAA MAHAD LEH
Muuse Biixi Cabdi
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland.
—
Nasir Yusuf Dahir
Director of the Press and Media Department of the Presidency
Hargeisa – Republic of Somaliland