#Araweelo_News_Network.
Kyiv(ANN)-Wasiirada arrimaha Dibadda ee Midowga Yurub ayaa safar aan la shaacin oo qarsoodi ah ku tagay caasimadda Kyiv ee dalka Ukraine oo dagaaladu aafeeyeen.
BooqashadaWasiirrada Arrimaha Dibadda ee Midawga Yurub, ayaa noqonay booqashadii ugu horaysay ee noocan oo kale ah, taas oo gollaha arrimaha dibadda uu ku tago dalka Ukraine intii uu socday dagaalka tan iyo February 2022.
Sidoo kale, waxay noqonaysaa markii ugu horraysay ee wasiirrada arrimaha dibadda ee 27-ka waddan ee xubnaha ka ah Midawga Yurub ay ku kulmaan meel ka baxsan xarunta Midowga Yurub ee Brussels.
Booqashadooda, ayaa ayaa ku soo beegmay xilli ay Ukraine waajahayso hoos u dhac weyn oo ku kaga yimi dhanka Xullufada uu Maraykanku ka mid yahay ee ku taageerta dagaalka ay Ukraine kula jirto Ruushka.
Dhinaca Maraykanaka Congress-ka ayaa ku dhawaaqay inuu si ku meel gaadh ah u joojinayo maalgelinta cusub ee Ukraine iyo hoggaamiyaha cusub ee Slovakia ee la doortay oo wacad ku maray inuu joojinayo taageerada Kyiv.
Please share with your friends the news and information provided by Araweelo News Network.
Published by Araweelo News Network.
Follow us on Twitter@Araweelonews
Follow us and Like on Facebook@AraweeloNews
Follow us on /instagram@araweelonews
Follow us on TikTok / Tiktok.com/@araweelonews
Follow us on /araweelonews.tumblr.com
SUBSCRIBE to our YouTube channel for more videos: https://www.youtube.com/c/AraweeloTv
By Arraale M Jama Freelance Journalist and Human Rights activist.
info@araweelonews.com