#Araweelo_News_Network.
Hargeysa(ANN)-Dallada Ururada aan dawliga ahayn (Somaliland Non_State Actors) ee ay ku bahoobeen Ururada Bulshada Rayidka ee loo soo gaabiyo SONSAF, ayaa soo gebagebaysay aqoon is weydaarsi muddo laba maalmood ah uga socday Huteelka Guuleed ee Magaalada Hargeysa.
Kulanka Aqoon is weydaarsiga oo ay ka qaybgaleen ku dhowaad Afartameeno xubnood oo ka socday Guddiyada Sare “Board of Directors” ee Ururada aan dawliga ahayn iyo dalladaha qaarkood kuwa ugu waaweyn ee ka jira Somaliland.
Ujeedadda kulanka Aqoon isweydaarsiga ah ayaa ahaa in la tayeeyo Maamulka Sare ee dalladaha si ay waajibkooda shaqo si hufnaan leh u gutaan, isla markaana ay ka caawiyaan dalladuhu in ay sii jiraan muddo dheer (Organizational Sustainability).
Guddoomiyaha Dallada SONSAF, Anwar Abdirahman ayaa tilmaamay in mashruucaa oo ay maalgalisay Midowga Yurub(EU), la doonayo in sidii loo kobcin lahaa Guddiyada Ururada aan dawliga ahyn ee jaan-gooya siyaasada qorshaha Istiraatiijiyada yoolalka ay lee yihiin Ururadu.
Intii uu socday Aqoon Isweydaarsiga oo uu daadihinayay Kayse Ahmed Maxamed (Bisleh) oo ah Khabiir Cilmi-baadhe ah, isagoo sharaxaad ka bixiyay habka maamul wanaaga, awooddaha la xisaabtanka, maaraynta dakhliga, raadinta mashaariicda
Gabagabadii Guddoomiyaha SONSAF, Anwar Adbirahman, ayaa shahaadooyin la gudoonsiiyay ka soo qayb-galayaasha, wuxuuna ku dardaaray inay ku khibradii ay qaateen mudadii uu socday tababarku kula noqdaan Ururada ay ka yimaadeen, isla markaana ku dabakhaan hoggaamintooda.
Please share with your friends the news and information provided by Araweelo News Network.
Published by Araweelo News Network.
Follow us on Twitter@Araweelonews
Follow us and Like on Facebook@AraweeloNews
Follow us on /instagram@araweelonews
Follow us on TikTok / Tiktok.com/@araweelonews
Follow us on /araweelonews.tumblr.com
https://mursaljamasspace.quora.com/
YouTube channel for more videos: https://www.youtube.com/c/AraweeloTv
www.araweelonews.com
www.araweelonews.net
www.araweelonews.com/archi/
By Arraale M Jama Freelance Journalist and Human Rights activist.
info@araweelonews.com