#Araweelo_News_Network.
Minneapolis (ANN)-Ra’iisal Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Xamsa Cabdi Barre ayaa waxaa si weyn ugu soo dhaweeyay magaalada Minneapolis ee gobolka Minnesota, kumaan qof oo Jaaliyadda Soomaaliyeed ee ku dhaqan halkaa.
Munaasabad ballaadhan oo soo dhowayn ah oo ay soo qaban qaabiyeen Jaaliyadda Soomaaliyeed ee dalka Maraykanka, wuxuu Ra’iisal Wasaare Xamse ka jeediyay warbixin uu kaga warramay xaalladda guud ee dalka, gaar ahaan horumarka ay Dowladnimada, isagoo sharaxaad ka bixiyay, isla makaana tilmaamay guulo uu sheegay in ku taabsatay xukuumaddiisa dhinacyada amniga, dhaqaallaha, siyaasadda, arrimaha bulshada iyo samafalka.
Ra’iisal Wasaaruhu waxa uu sheegay in dowlanimada Soomaaliya ay hortaagan yihiin saddex arrimood oo kala ah, wuxuu ugu yeedhay Khawaarijta, Qabyaaladda iyo Musuq-maasuqa, sidaa awgeed, wuxuu ugu baaqay Soomaalida Maraykanka inay qaybtooda ka qaataan halganka dalka lagaga xoraynayo wuxuu ugu yeedhay cadowga.
Please share with your friends the news and information provided by Araweelo News Network.
Published by Araweelo News Network.
Follow us on Twitter@Araweelonews
Follow us and Like on Facebook@AraweeloNews
Follow us on /instagram@araweelonews
Follow us on TikTok / Tiktok.com/@araweelonews
Follow us on /araweelonews.tumblr.com
https://mursaljamasspace.quora.com/
YouTube channel for more videos: https://www.youtube.com/c/AraweeloTv
www.araweelonews.com
www.araweelonews.net
www.araweelonews.com/archi/
By Arraale M Jama Freelance Journalist and Human Rights activist.
info@araweelonews.com