Hoggaamiyaasha, Dibouti, Kenya iyo Somalia, Maxay Ka Wadahadleen Xoghayaha Difaaca Maraykanka?
#Araweelo_News_Network,
Nairobi(ANN)-Xoghayaha Gaashaandhiga Maraykanka Lloyd J. Austin II, oo booqasho ku maraya Gobolka Geeska Afrika, ayaa kulamo la yeeshay Hoggaamiyaasha, Dibouti, Kenya iyo Somalia, wuxuuna kulamadaa oo ahaa kuwo uu madaxda mid walba gaarkiisa ula hadlay ku tilmaamay innay ahaayeen kulamo muhiim ah.
Lloyd J. Austin II, ayaa uga mahadceliyay Madaxweynaha Djibouti Ismail Ommar Guelleh soo dhowaynta uu u sameeyay intii uu ku sugnaa dalka Djiboti, halkaas oo uu Austin kulan kula yeeshay Madaxweynaha dawladda Federaalka ee Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud.
“Sharaf ayey ii ahayd inaan maanta la kulmo Madaxweyne Ruto. Taariikhda iskaashiga Millateri ee u dhaxaysa Kenya iyo Maraykanka ayaa soo taxnaa muddo ku siman 50 sannadood. Kenya waa saaxiibka istiraatijiyadeed ee lagu qiimeeyo la-dagaallanka khataraha labada dhinac & xoojinta amniga gobolka.” Ayuu yidhi, Xoghayaha difaaca Maraykanka, Lloyd J. Austin II, wuxuuna sidaa ku sheegay qoraal uu kusoo qoray bartiisa Twitterka.
“Waxaan sii wadi doonaa inaan kor u qaadno iskaashiga difaaca lammaane muhiim ah oo aan horumarino aragtida aan wadaagno ee nabadda iyo barwaaqada Bariga Afrika.” Ayuu yidhi, isagoo ka hadlaya iskaashiga ka dhexeeya Kenya.
Sidoo kale, wuxuu sheegay in booqashadii uu ku tagay Djibouti kaga wada hadleen Madaxweynaha Dawladda Soomaaliya Xasan Sheekh arrimo la xidhiidha dadaallada uu sheegay in ay la wadaagaan dawladda Soomaaliya ee lagaga hortagayo Al-Shabaab, “waxaana garwaaqsaday geesinimada iyo naf-hurnimada shacabka Soomaaliyeed oo aan si wadajir ah uga shaqeyneyno wax ka qabashada caqabadaha nagu soo fool leh.” Ayuu yidhi.
Hase yeeshee, Lloyd J. Austin II, ayaa tilmaamay in Maraykanku si weyn uga walaacsan yahay in Al-shabaab deegaamada laga saaray uga wareegto meelo kale oo aan maamul addag ka jirin, taas oo aannu caddayn, balse loo fasirtay dhinac Buuraleyda Silsilada ee Bariga Somaliland iyo dhinaca maamulka Puntland oo ay hore fadhiisimo ugu lahaayeen Al-shabaab.
Please share with your friends the news and information provided by Araweelo News Network.
Published by Araweelo News Network.
Follow us on Twitter@Araweelonews
Follow us and Like on Facebook@AraweeloNews
Follow us on /instagram@araweelonews
Follow us on TikTok / Tiktok.com/@araweelonews
Follow us on /araweelonews.tumblr.com
https://mursaljamasspace.quora.com/
YouTube channel for more videos: https://www.youtube.com/c/AraweeloTv
www.araweelonews.com
www.araweelonews.net
www.araweelonews.com/archi/
By Arraale M Jama Freelance Journalist and Human Rights activist.
info@araweelonews.com