#Araweelo_News_Network.
“Allahayow Indhaha Garlahayn Haday Ooyaan Indhaha Gartalenna Maxaad U Malayn”Maxamuud Xaashi
Hargeysa(ANN)-Guddoomiyaha Urur siyaasadeedka KAAH, Maxamuud Xaashi Cabdi ayaa si addag ugu hadlay go’aamada ay soo saareen guddida iyo salaadiinta Beelaha Habarjeclo ee khilaafka Siyaasadeed ee la xidhiidhay doorashooyinka.
Kulan Ururka KAAH ku qabtay Magaalada Hargeysa, oo labadii maalmood ee u dabneeyay u socday waxaa gebagebadii Khamiistii maanta hadal dhinacyo baddan oo dhaabbad, dhitaysi iyo dhaliilo xanbaarsan ka jeediyay Siyaasiga Maxamuud Xaashi Cabdi oo si addag u tilmaamay saamaynta ay dhinacyada siyaasadda ku kala lahaayeen go’aamadu iyo sida qaranka ugu yihiin maslaxad iyo danta guud.
Hase yeeshee wuxuu sheegay Maxamuud Xaashi in Ururka KAAH oo miisaankiisa Bulshadu wada aragto, isla markaana uu leeyahay Afar meelood meel Gollaha Wakiillada iyo shirgudoonka gollahaa, sidaa awgeed ay go’aamadu yihiin kuwo tagoogada ka toogtay, laakiin aannay ahayn kuwa aannay diidi karin maadaama ay tixgelinayaan mar walba maslaxada iyo danta guud, sidaa awgeed ay aqbaleen.
“Go’aamada ay soo saareen guddida Beelaha Habarjeclo iyo Salaadiintu, waa kuwo badbaado iyo gurmad u ah qaranka, waase kuwo Ururada Siyaasada aannay dani ugu jirin, Kaah waa Ururka leh Afar Meelood meel Gollaha Wakiilada iyo shirgudoonka “Sumal baraar kuma jiro” waxay go’aamadu ku noqdeen kuwo toggan oo taggoogada ka toogtay, laakiin KAAH, wuxuu sii wadayaa hayaanka siyaasadeed ee uu ku doonayo inuu ku noqdo Xisbi.” Ayuu yidhi.
Guddoomiyaha Urur Siyaasadeedka KAAH, oo ka hadlaya saamaynta dhinacyada kale ee labada Xisbi ee Mucaaradka iyo Xukuumadda Madaxweyne Biixi iyo Xisbigeeda, wuxuu yidhi, “Waxaan Maqlayay Murrashax Cabdiraxmaan Cirro oo leh, “Qadhaadhkaanu ku liqnay, “ waar qadhaadh kumaydin liqine waa laydiin hiiliyay, Madaxweyne Biixi iyo xukuumaddiisa oo qaranka qaawiyayna maraday ku qabteen oo maslaxad iyo dan ayaa ugu jirtay go’aamada, laakiin cidda qadhaadhka ku liqday waa annaga Ururada Siyaasadda” ayuu yidhi,
Siyaasiga Maxamuud Xaashi oo bixiyay tilmaamo baddan iyo dhacdooyin taariikhi ah oo siyaasadeed.
Maxamuud Haashi oo Arrimahaa iyo kuwa kale ka hadlaya halkan ka Daawo.
Please share with your friends the news and information provided by Araweelo News Network.
Published by Araweelo News Network.
Follow us on Twitter@Araweelonews
Follow us and Like on Facebook@AraweeloNews
Follow us on /instagram@araweelonews
Follow us on TikTok / Tiktok.com/@araweelonews
Follow us on /araweelonews.tumblr.com
https://mursaljamasspace.quora.com/
YouTube channel for more videos: https://www.youtube.com/c/AraweeloTv
www.araweelonews.com
www.araweelonews.net
www.araweelonews.com/archi/
By Arraale M Jama Freelance Journalist and Human Rights activist.
info@araweelonews.com