#Araweelo_News_Network.
Moscow(ANN)-Ruushka, ayaa sii daayay 106 askari oo u dhashay Ukraine, kuwaas oo ahaa maxaabiis lagu qabtay dagaalka dhawra bilood ka socday Bakhmut.
Sidaana, waxa lagu sheegay Bayaan kasoo baxay, madaxa shaqaallaha ee Madaxweynaha Ukraine Volodymyr Zelensky oo sheegay in 106 askari oo ay ku jiraan sideed sarkaal oo lagu qabtay dagaal ka dhacay jiida hore ee Bakhmut, kuwaas oo dhammaantood la sii daayay.
Laxidhiidha: Hoggaamiyaha Calooshoood U Shaqaystayaa Wagner Oo Ka Digay Khatarta Ruushka Kaga Iman Karta Dagaalka Ukraine
“Qof walba oo ka mid ah wuxuu ahaa halyey dowladnimadeena ka mid ah, qaar baddan oo ka mid ah kuwa aan ka soo laaban maxaabiista waxaa loo arkaa inay maqan yihiin, ehelada dadkaasi waxay soo mareen waqti adag” ayuu yidhi, Andriy Yermak.
Laxidhiidha: Bakhmut waxa Lagu Dilay 20,000 oo Wagner ah iyo 50,000 oo Ukraine Ah.
Dhinaca kale, waxa jiro maxaabiis u dhashay Ruushka oo lasoo daayay, balse ma jiro wax war ah oo laga helayo tirada askarta Ruushka ee lagu sii daayay beddelka maxaabiista Ukraine.
Laxidhiidha: Hoggaamiyaha Dagaalyahanka Wagner Oo Ku Hanjabay Inay Ka Baxayaan Magaalada Dhiiga Baddan Ku Daatay Ee Bakhmut
Sirdoonka millateriga Ukraine ayaa sheegay in 2,430 qof oo Ukrain ah ilaa hadda lagu sii daayay maxaabiis ahaan, kuwaas oo la isku weydaarsaday, kuwaas oo ay ku jiraan 139 rayid ah.
Laxidhiidha: Ruushka Oo La Wareegay Magaalada Ahmiyada Weyn U Leh Dagaalka Ee Bakhmut
Laxidhiidha: Ruushka Oo Qirtay Saraakiil Lagaga Dilay Bakhmut
Laxidhiidha: Ruushka Oo Ciidamo Hor Leh Geeyay Magaaalad Bakhmut Ee Noqotay Alleppo
Laxidhiidha Belgorod: Xiisad Ka Dhalatay Weeraro Ka Dhacay Guddaha Ruushka Oo Lagu Eeddeeyay Maraykanka Iyo Xulufadiisa
Please share with your friends the news and information provided by Araweelo News Network.
Follow us on Twitter@Araweelonews
Follow us and Like on Facebook@AraweeloNews
Follow us on /instagram@araweelonews
Follow us on TikTok / Tiktok.com/@araweelonews
Follow us on /araweelonews.tumblr.com
https://mursaljamasspace.quora.com/
YouTube channel for more videos: https://www.youtube.com/c/AraweeloTv
www.araweelonews.com
www.araweelonews.net
http://archive.araweelonews.com
By Arraale M Jama Freelance Journalist and Human Rights activist.
info@araweelonews.com