#Araweelo_News_Network.
Ankara(ANN)- Natiijadda doorashooyinka ku celiska ah ee Turkiga, ayaa si hordhac ah loo shaaciyay, iyadoo guusha doorashada sida addag loogu tartamay ay raacday Madaxweyne Recep Tayyip Erdogan iyo xisbigiisa (AK Party).
Kemal Kilicdaroglu , ayaa lagaga adkaaday doorashada, isagoo aaha hoggaamiyaha mucaaradka ee Republican People’s Party (CHP).
Guddia, ayaa hore u sheegay in xayiraad la saaray in la baajiyo natiijooyin hordhaca ah ilaa la gaadhayo Goobaha cod bixinta ee lasoo xidhay 5pm (14:00 GMT), waxaana goobaha ka socday tirinta codadka doorashada madaxtinimo ee taariikhda Turkiga gashay.
Hase yeeshee Hoggaamiyaha mucaaradka ayaa muujinaya ‘murugo dhab ah’ oo ku saabsan mustaqbalka Turkiga, taas oo ay sabtay guuldarada uu kala kulmay doorashada.
Erdogan (AKP) 52.12%, halka Kilicdaroglu oo ka socday isbahaysiga mucaaradka (CHP) uu helay 47.88%
“Murugada dhabta ah waxay ku saabsan tahay dhibaatooyinka dalka sugaya,” sidaa waxa yidhi, Kilicdaroglu , waana hadalkiisii ugu horreeyay ee meel fagaare ah uu ka jeediyo doorashada kaddib, isaga oo aan si rasmi ah u aqbalin in laga adkaaday.
Wuxuu sheeegay inay sii wadi doonaa inaan halganka iyo dagaalka sida uu sheegay dhanka dimuqraadiyadda,, wuxuuna ka codsaday taageerayaashiisa inay sii wadaan halgankooda.
Kilicdaroglu ayaa ku tilmaamay habka doorashada kii ugu cadaalad darada badnayd ee muddo sanado ah ka dhacda Turkiga, wallow dunidu si weyn u maantay doorashada Turkiga, isla markaana lagu tilmaamay mid dimuqraadi ah.
“Dhammaan dariiqyada gobolka waxaa loo abaabulay hal xisbi siyaasadeed waxaana la dhigay caggaha hal nin,” ayuu yidhi, hoggaamiyaha CHP., oo ka cadhaysan natiijada.
: “Waxaan aad ugu mahad naqayaa madaxda Isbahaysiga Qaranka, ururadooda, codbixiyayaashayada, iyo shacabkii ilaashaday sanaaduuqda codbixinta ee la dagaalantay culaysyadaas anshax darrada ah iyo kuwa sharci darrada ah.” Ayuu yidhi.
“Annigoo ah qof u dhashay dalkan, waxaan had iyo jeer u halgami jiray xuquuqdaada iyo caddaaladda, si aan qofna kuu dulmin, si aad u noolaato wax baddan, aniguna waan sii wadi doonaa,”,ayuu yidhi, Kilicdaroglu.
Hoggaamiyaha CHP , ayaa sidoo kale, yidhi, “rabitaanka dadka ee ah in la beddelo nidaamka kali-taliska ah ayaa soo ifbaxay in kasta oo cadaadis kasta la saaray.”
Waxaan sii ahaan doonnaa safka hore ee halgankan inta ay dalkeena ka imannayso dimoqraadiyad dhab ah, ayuu hadalkiisa raaciyay.
Please share with your friends the news and information provided by Araweelo News Network.
Follow us on Twitter@Araweelonews
Follow us and Like on Facebook@AraweeloNews
Follow us on /instagram@araweelonews
Follow us on TikTok / Tiktok.com/@araweelonews
Follow us on /araweelonews.tumblr.com
https://mursaljamasspace.quora.com/
YouTube channel for more videos: https://www.youtube.com/c/AraweeloTv
www.araweelonews.com
www.araweelonews.net
http://archive.araweelonews.com
By Arraale M Jama Freelance Journalist and Human Rights activist.
info@araweelonews.com