#Araweelo_News_Network.
Hargeysa(ANN)-Ciidanka Dab-damiska iyo kharaha kale ka badbaadiya Bulshada ayaa soo bandhigay laba dhacdo oo murrugo ah, kuwaas oo xilliyo kala duwan ka dhacay Magaalooyinka Hargeysa iyo Boorama.
Dhacdada Hargeysa, ayaa ah markii ay Allah haw naxariistee hooyo dhashay7 caruura, isla markaana xilligan ahayd xaamilo goor saqdhexe oo ku beegan 2 habeenimo ku geeriyootay Musqul ay ku dhacday.
Sida lagu sheegay qoraal kasoo baxay xafiiska Taliska Ciidanka Dab-damiska Somaliland ee Hargeysa, hooyada geeriyootay ee haysatay 7-da caruurta ah ayaa ahayd xaamilamo, waxaana lagu magcaabi jiray marxuumada Samiira Maxamed Cabdiraxmaan.
Gurmad ay ku gaadheen ciidanku goobta, markii ay soo gaadhay qayladhaanta waxay sheegeen in Maydka marxuumada laga soo saaray Musqusha oo ahayd mid buuxday oo ay dusha kaga timi sabbadii saarnayd Suuliga oo Maydka marxuumada geysay gunta hoose ee Suuliga.
Maydka Marxuumada ayay sheegeen Ciidanka badbaadinta Bulshada ee Dab-damisku inay ku wareejiyeen ciidanka Dambi baadhista ee CID, si loo baadho kiiska, waxayna bulshada ugu baaqeen inay ka taxadaraan Suuliyada,Musqulaha iyo godadka buuxsamay iyo kuwa jilicsan ee gaboobay, ama meelaha bulaacaddaha ah.
Dhinaca kale, dhacdo kale oo ay sheegeen Ciidanka Dab-damiska iyo ka hortaga masiibooyinka ee badbaadinta Bulshadu inay ka dhacday caawa magaalada Boorama dhacdo kale oo murrigo ah, taas oo ahayd kaddib markii Oday waayeel ah oo 70 Jir, balse annay xusin magaciisa uu ku dhacay Musqul la duntay xaafadda Jarka ee magaalada Boorama.
Hase yeeshee Odayga ayay ku guulaysteen Ciidanku inay ka soo samatabixiyaan isagoo badqaba, iyadoo loola cararay Cusbitaalka weyn ee Boorama.
Ciidanka ayaa uga digay Bulshada inay ka taxadiraan godadka Suuliyada iyo Bulaacaddaha, iyadoo dhacdooyinkan yihiin kuwo soo noqnoqday, sidaa awgeed Ciidanka Dab-demisku wuxuu bulshada Somaliland uga digay in ay ka digtoonaadaan bullaacaddaha ama godadka khatarta ugu jira inay dumaan xilli walba gaar ahaan xilliyada roobabka.
Please share with your friends the news and information provided by Araweelo News Network.
Follow us on Twitter@Araweelonews
Follow us and Like on Facebook@AraweeloNews
Follow us on /instagram@araweelonews
Follow us on TikTok / Tiktok.com/@araweelonews
Follow us on /araweelonews.tumblr.com
https://mursaljamasspace.quora.com/
YouTube channel for more videos: https://www.youtube.com/c/AraweeloTv
www.araweelonews.com
www.araweelonews.net
www.araweelonews.com/archi/
By Arraale M Jama Freelance Journalist and Human Rights activist.
info@araweelonews.com