“Lacagtaa Waxa Ugu Deeqay Ururka Shirkadda Telesom, Shirkaddaha Kale ee Waaweyn iyo Dadka Muxsiniinta Ah, Waxaanu Leenahay Naafadu waydin sugaysaa” Guddoomiyaha Ururka SDHO
#Araweelo_News_Network.
Hargeysa(ANN)- Ururka Naafada Somaliland ee loo soo gaabiyo (SDHO), ayaa ugu baaqay Ganacsatada Somaliland iyo dadka muxsiniinta ah inay Bisha barakaysan ee Ramadaan u naxariistaan.
Guddoomiyaha Ururka Naafada (SDHO) Daahir Jaamac Diiriye, oo maanta barxada xafiiskooda ku qaybinayay deeq isugu jirta Baaskiilado, Lacag iyo raashin loogu deeqay dadka Naafada, ayaa uga mahad celiyay Shirkadda Isgaadhsiinta Casriga ee Telesom oo ku caawisay $1,500, (kun iyo shan boqol) oo dollar. sidoo kale wuxuu u mahad celiyay Hay’adda Live International oo soo gaadhsiisay deeqda Baaskiiladaha.
Guddoomiye Daahir, wuxuu sheegay in xukuumadda Somaliland ugu dartay miisaaniyadda sannadka 2023, qoondo Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Muuse Biixi ugu daray, isla markaana ay qayb ka mid ah alaabta iyo raashinka ay qaybiyeen maanta laga soo iibiyay wixii loogu daray miisaaniyada qaranka, isagoo ku amaanay Madaxweynaha sida uu xilka weyn isaga saaray dadka naafada ah.
Wasiirka Wasaaradda Qoyska iyo arrimaha Bulshada Eng. Cali Xoor Xoor, ayuu xusay inay ka mahad sheeganayaan Urur ahaan, balse wuxuu usoo jeediyay Ganacsatada kale iyo dadka muxsiniinta ah inay doorkooda ka muujiyaan sidii loo dabooli lahaa baahida dadka naafada ah.
“Shirkaddaha Somcable, SBI, Dahabshiil iyo kuwa kale sida Dp World waxaanu leenahay dadka naafada ah waydin sugayaan.” Ayuu yidhi, Guddoomiye Daahir, isagoo xusay inay dadka naafadu u baahan yihiin waxbarasho iyo daryeel sida bulshada kale, sidaa awgeed si naxariis leh loo eego xaaladda ay ku jiraan weliba xilligan bisha Barakaysan ee Ramadaan.
Guddoomiyaha, ayaa markaa kaddib u qaybiyay dadka Naafada ee Hargeysa, deeqda iskugu jirta Lacagta cadaanka ah, raashinka iyo qalabka kale ee lagu caawiyay iyo wixii ay kasoo iibiyeen kharashkii ugu jiray Miisaaniyada sida uu sheegay Guddoomiye Daahair, wuxuuna xusay inay naafada gobolada oo dhan gaadhsiin doonaan deeqdaa.