#Araweelo News Network
Hargyesa(ANN)-Guddoomiyaha Xisbiga Mucaaridka ah ee UCID Eng Faysal Cali Waraabe ayaa ku baaqay in gamcaha lays qabsado oo loo midoobo dagaalka lagu soo qaaday qaranka.
Gudoomiye Faysal, wuxuu sheegay in rabshado ka taagnaa magaalada Laascaanood iyo qaabkii Madaxweyne u waajahay mudaharaadyadii salmiga ahaa ugu danbayntii ay isku beddeleen dagaal si fiican loo qorsheeyey oo ka dhan ah jiritaanka Qaranka Somaliland.
Sidaa awgeed, wuxuu ku baaqay in loo midoobo sidii loo difaaci lahaa qaranka Somaliland, isagoo sidaa ku sheegay qoraal uu soo dhigay Bartiisa Twitter.
Qoraalka Guddoomiyaha Xisbiga Mucaaradka ee UCID, ayaa ku yidhi sidan:- “Rabshadaha Laascaanood ka taagnaa ee ka dhashay sidii axmaqnimada ahayd ee uu Muuse Biixi u waajahay mudaharaadyadii salmiga ahaa ee dadka rayidka ahi dhigayeen waxa ay isku beddeleen dagaalka si fiican loo qorsheeyey oo kagaga soo horjeedo jiritaanka Somaliland, kaas oo ay soo qaadayaan xulafadii iyo isbahaysiyadii Digtaytarkii Maxamed Siyaad Barre.
Guddoomiyaha UCID, ayaa ugu danbayntii ku baaqay “Waa waqtigii aan u midoobi lahayn sidii Somaliland looga badbaadin lahaa, loogana difaaci lahaa kooxaha isbahaystay,” ayuu yidhi Eng.Faysal Cali Waraabe.
Please share with your friends the news and information provided by Araweelo News Network.
Published by Araweelo News Network.
Follow us on Twitter@Araweelonews
Follow us and Like on Facebook@AraweeloNews
Follow us on /instagram@araweelonews
Follow us on TikTok / Tiktok.com/@araweelonews
Follow us on /araweelonews.tumblr.com
https://mursaljamasspace.quora.com/
YouTube channel for more videos: https://www.youtube.com/c/AraweeloTv
www.araweelonews.com
www.araweelonews.net
www.araweelonews.com/archi/
By Arraale M Jama Freelance Journalist and Human Rights activist.
info@araweelonews.com