#Araweelo_News_Network.
Hargeysa(ANN)-Xisbiga Mucaaradka ee WADDANI, ayaa sharaxaad ka bixiyay sababta dhabta ah ee dagaalka Laascaanood iyo arrimaha siyaasadeed ee hoggaaminta Madaxweyne Biixi.
Xoghayaha Guud Ee Xisbiga WADDANI, khadar Xuseen Cabdi, ayaa tilmaamay in dagaalka Laascaanood aannu ahayn mid iska bilaabmay, balse ay jiraan sababo dhab ah uu salka ku hayo.
“Dagaalka Laascaanood, maaha mid iska bilaabmay, mana aha mid si kedis ah ku yimi, waxaase jira sababo dhab ah oo dagaalku salka ku hayo.” Ayuu yidhi, Xoghayaha WADDANI, Khadar Xuseen oo maanta ka hadlayay munaasibad lagu maamusay maalinta Dhalinyarada ee dhagax-tuurka 20 Febeury oo lagu qabtay Hargeysa.
“Laba iyo soddon sannadood oo ay Somaliland waxaynu hanan weynay qalbiga reer Laascaanood, intaana kumay joogine waxay innaga waayeen Cadaalad iyo xaqsoor.” Ayuu yidhi.
Sidoo kale, wuxuu sheegay in dadka Reer Sool iyo Sanaag Bari aannay qayb ka ahayn Dastuurka Somaliland ee loo codeeyay, wuxuuna farta ku fiiqay sida keliya ee xaaladda collaada lagu soo afjari karo iyo sida xabada lagu joojinkaro.
Xogahayaha WADDANI, ayaa si weyn u dhaliilay xukuumadda Madaxweyne Biixi, isagoo tilmaamay in dhaqamadii Maxamed Siyaad Barre ka socdaan Somliland oo ay weli yaaliin halkan.
Hadalka Xogahayaha Muuqaalkan Ka Daawo.
Please share with your friends the news and information provided by Araweelo News Network.
Published by Araweelo News Network.
Follow us on Twitter@Araweelonews
Follow us and Like on Facebook@AraweeloNews
Follow us on /instagram@araweelonews
Follow us on TikTok / Tiktok.com/@araweelonews
Follow us on /araweelonews.tumblr.com
https://mursaljamasspace.quora.com/
YouTube channel for more videos: https://www.youtube.com/c/AraweeloTv
www.araweelonews.com
www.araweelonews.net
www.araweelonews.com/archi/
By Arraale M Jama Freelance Journalist and Human Rights activist.
info@araweelonews.com