Madaxweyne Puntin, oo Sheegay In Ruushku ka baxay Heshiiska Maraykanka
#Araweelo_News_Network.
Moscow (ANN)-Ruushka ayaa joojinaya heshiiskii ugu dambeeyay ee hub ka dhigista nukliyeerka ee uu la galay Maraykanka, sidaana waxa ku dhawaaqay Madaxweyne Valdimir Putin oo tallaabadan ku sheegay mar uu khudbad u jeedinayay maanta shacabka dalkiisa.
Laxidhiidha: Ukraine: Booqashada Lama Filaanka Ah Ee Madaxweyne Biden Iyo Balanqaadka Uu Sameeyay
Heshiiska ayaa dhigayay in Ruushka iyo Maraykanka ay xaddidaan kaydkooda madaxyada nukliyeerka, wuxuuna dhaqan galay 2011, isagoo ku ekaa ilaa 2026.
Mr. Pitin Intii uu khudbadiisa ka jeedinaya Baarlamaanka federaalka, ayaa si toos ah uga socotay talefishanka, wuxuuna ka hadlayay arrimahaa iyo kuwo kale oo uu kusoo qaaday isbalaadhinta Maraykanka iyo saldhigyada uu in ku dhow boqol dal pp aduunka ah ka samaystay, taas oo uu ku tilmaamay nidaam gumaysi, waxa uu sidoo kale uga digay in haddii Washington Maraykanku uu dib u bilaabo tijaabooyinka Nukliyeerka, uu sidoo kale Ruushka sii wadanayo hawshiisa.
Hadalka Madaxweyne Putin ayaa u muuqday mid aad loogu riyaaqay oo laga soo dhoweeyay dalka Ruushka, iyadoo xildhibaanada, siyaasiyiinta, aqoonyahanka iyo saraakiisha ku sugnaa madasha qaarkood si weyn ay qiiro ugu abuurtay khudbadu, isla markaana dareen sacab ah loogu guuxay markii uu ka hadlayay Putin arrimaha siyaasadda ee maanta taagan.
Dagaalka Urkaine ayuu ku tilmaamay dagaal lagu soo qaaday qarankooda oo ay xullufadu isu bahaysteen, wuxuu xusay in dagaalku dheeraanayo oo ay diyaar u yihiin, isagoo tilmaamay in hubka iyo saanada Millateri ee lagu soo daldalayo tusaale u yihiin sida ay xullufadu u doonayso dagaal ee aannay nabad u doonayn.
Madaxweynaha Ruushka Vladamir Putin oo khudbadiisa ku sheegay arrimo baddan, isagoo ku eedeeyay reer galbeedka inay bilaabeen dagaalka Ukraine. Putin ayaa khudbadiisii laga sii daayey telefiishanka wuxuu wacad ku maray in Ruushka aan looga adkaan doonin goobta dagaalka, isla markaana uu sii socon doono weerarka. Waxa uu sidoo kale sheegay in dadka ugu badan ee ku nool gobolka Donbas ee Bariga Ukraine ay doonayaan inay noqdaan Ruush.
Hadalka Madaxweyne Putin, ayaa kusoo beegmay maalin kaddib markii Madaxweynaha Maraykanka Joe Biden booqasho lama filaan ah ku tegey Ukraine, isagoo sameeyay balaanqaad dhaqaale dhaagaya $500 Milyan, oo saanad mollateri iyo hub iyo gargaar kale oo la siinayo Ukraine.
Dhinaca kale, booqashada Biden ee Ukraine ayaa sii kordhisay weerarrada, iyadoo duqaymo dhinaca cirka ah iyo gantaalo ku hoobanayay saacadihii u danbeeyay magaalooyinka waaweyn ee Ukraine, taas oo u muuqata in Ruushku ku ciqaabayo Ukraine mar walba oo ay Maraykanka iyo xuluafadiisu sheegaan inay hub iyo saanad millateri siinayaan, ama ay booqdaan Kyiv.
Please share with your friends the news and information provided by Araweelo News Network.
Published by Araweelo News Network.
Follow us on Twitter@Araweelonews
Follow us and Like on Facebook@AraweeloNews
Follow us on /instagram@araweelonews
Follow us on TikTok / Tiktok.com/@araweelonews
Follow us on /araweelonews.tumblr.com
https://mursaljamasspace.quora.com/
YouTube channel for more videos: https://www.youtube.com/c/AraweeloTv
www.araweelonews.com
www.araweelonews.net
www.araweelonews.com/archi/
By Arraale M Jama Freelance Journalist and Human Rights activist.
info@araweelonews.com