#Araweelo_News_Network.
Laascaanood(ANN)-Dagaalka ayaa dib u bilaabamay Magaalada Laascaanood ee xarunta gobolka Sool, iyadoo ay ergooyinka salaadiinta ah kusii qulqulayaan deegaanka Yagoori ee duleedka Laascaanood.
Dagaalka maanta ka dhacay Laasaacood, ayaa lagu soo waramayaa inuu ka dhashay khasaare dhimasho iyo dhaawac oo labada dhinac soo gaadhay, sidoo kale waxay wararku sheegayaan inuu jiro burbur xooggan.
Dagaalka ayaa bilaabmay subaxnimadii hore, ayaa ka dhashay kaddib markii Malayshiyada ka dagaalamaya halkaa ay weerar kusoo qaadeen fadhiiimada ciidanka qaranka Somaliland, sida ay sheegtay wasaaradda arrimaha Guddha Somaliland, halkaas oo uu ka dhashay dagaal ballaadhan oo socday ilaa xillli danbe.
Xukuumadda Somaliland ayaa dhinaca kale, ku xustay warka kasoo baxay wasaaradda arrimaha guddaha inay taageerayso ergada madax-dhaqameedka ee halkaa u tegey inay ka shaqeeyaan sidii dagaalka loo soo afjari lahaa.