Araweelo News Network.
Laascaanood(ANN)- Khasaare dhimasho iyo dhaawac ayaa la dhashay, kaddib markii Dadweynaha Magaalada Laascaanood ee xarunta Gobolka Sool, iyo ciidamada amaanku isku soo baxeen, iyadoo dadweynuhu si weyn uga gedooday dilalka qorshaysan ee kusoo noq noqonaya Magaalada iyo kuwaas oo aan la helin raadkooda.
Dadweynaha Laascaanood oo si weyn uga cadhaysan dilalka aan cidna loo qaban ee ka dhaca Magaalada, ayaa isu soo baxooda kusoo beegay, kaddib markii xalay lagu dilay Magaalada Cabdifataax Cabdullaahi Cabdi (Hadraawi Sangub).oo ka mid ahaa haldoorka gobolka Sool, isla markaana xilligan ka tirsanaa saraakiisha Xisbiga Mucaaradka ee WADDANI.
Marxuumka, ayaa xalay fiidkii lagu dilay, isagoo xilligaa kasoo baxay Masjidka Al-Nuur oo uu ku tukaday Salaada, sida ay sheegayaan wararka ka imanaya Magaalada Laascaanood, iyadoo aan la aqoonsan ciddii dilka geysatay, isla markaana aan la xaqiijin tiradooda.
Dadweyneha oo ka cadhaysan dilalka, ayaa isugu soo baxay wadooyinka magaalada saaka waaberigii, wuxuuna isu soo baxu isu bedelay mid rabshado ah, kaddib markii la weeraray goobaha ganacsiga ee shirkaddaha waaweyn oo khasaare la gaadhsiiyay.
Dadka goob jooga ahaa ee ku sugan Magaalada, ayaa su xaqiijiyay Shabakaddaha Araweelo News Network, in arrintaasu dhalisay in ciidamada amaanka iyo dadka isu soo baxay fooda is daraan, sidaana uu ku yidhi khasaare dhimasho ugu yaraan inta la xaqiijiyay 3qof, halka tobaneeyo kalena dhaawacyo soo gaadheen.
Xaaladda ayaa isu bedeshay rabashado, iyadoo ciidamada amaanka Somaliland adeegsadeen rasaas si ay xaaladda u dejiyaan, iyadoo saacado kaddib ay xaaladda gacanta ku qabteen si ay dadka u kala kexeeyaan, taas oo ugu danbayntii ku guulaysteen in ay dadka kala dareeriyaan, iyadoo xaaladdu caadi kusoo noqotay saacado kaddib, wallow magaalada lagu soo rogay bandaw.
Xukuumadda Somaliland, ayaan weli ka hadlin dilka ugu danbeeyay ee ka dhacay Laascaanood iyo mudaharaadka rabshadaha watay ee shacbigu ku dalabanayeen in wax laga qabto dilalka kusoo noqnoqda.
Please share with your friends the news and information provided by Araweelo News Network.
Published by Araweelo News Network.
Follow us on Twitter@Araweelonews
Follow us and Like on Facebook@AraweeloNews
Follow us on /instagram@araweelonews
Follow us on TikTok / Tiktok.com/@araweelonews
Follow us on /araweelonews.tumblr.com
SUBSCRIBE to our YouTube channel for more videos: https://www.youtube.com/c/AraweeloTv
By Arraale M Jama Freelance Journalist and Human Rights activist.
info@araweelonews.com