Araweelo News Network.
Warbixin Sanadeeda Denbiyada Ee Boolisku Soo Bandhigay Maxay Muujinaysaa marka Loo Eego Sanadkii Hore
Booliska Jamhuuriyadda Somaliland, waxay sannad walba soo bandhigaan warbixin sannadeed lagu muujiyo denbiyadii dhacay sannadkaa.
Sannadkan 2022, maxay kaga duwantahay warbixinta ay Boolisku soo bandhigeen sannadkii hore 2021.
Maqaalkan ayaynu kaga hadlayaa, innagoo is-barbar dhig ku samaynaya.
Warbixin sanadeedkii Booliska ee 2021 | Warbixin sanadeedkii Boolis ee 2022 | faraqa |
Tirada guud ee dambiyada 19,230 | Tirada guud ee dambiyada 27,801 | 8,571 |
Kiisaska beenoobay 4,400 | Kiisaska beenoobay 5,565 | 1,165 |
Kiisaska heshiis ku dhamaday 6,085 | Kiisaska beenoobay
11,320 |
5,535 |
Baadhis ku jira 1,077 kiis | Baadhis ku jira 540 | -537 |
Kiisaska maxkamada galay 7,668 | Kiisaska maxkamada galay 10,916 | 3,248 |
Dilalka dhacay 89 | Dilalka dhacay 60 | -29 |
Kufsi 232 | Kufsi 266 | 34 |
Shilalka gaadiidka 5,581 | Shilalka gaadiidka 5,829 | 248 |
Dadka ku dhintay shilalka 212 | Dadka ku dhintay shilalka 148 | -64 |
Falalka abaabulan 27 qof | Falalka abaabulan 12 | -12 qof |
Mukhadaradka la qabtay 41,000 ltr khamr
|
Mukhadaraadka la qabtay
71,000 ltr |
29,000 ltr |
Xashiishad
5,110 kg |
Xashiishad
75 kg |
-5035kg |
Khasaaraha gaadiidka ku burburay shilalka
5,581 |
Khasaaraha gaadiidka ku burburay shilalka
5,829
|
248 gaadiid ah |
Warbixin sanadeedkii ciidamada Booliska ka jamhuuriyadda Somaliland ay sameeyeen labadii sanadood ee u dambayeey, ayaa waxa aan ku sameeyay is barbar dhig si aynu u ogaano bal xaalada dhabta ah ee dalka , waxa is bedalay mudadaasi sanadka ah .
Sidoo kale, waxa aan soo jeedinayaa in qaabka loo soo bandhigo warbixinta sanadeedka Booliska jamhuuriyadda Somaliland aannay ahayn mid ku haboon , sababtuna waxa ay tahay si xil la isaga saaro waa in warbixin walba lagu xusaa dambiyada ugu badani halka ay ka dhacaan oo la helaa warbixinta oo gobolaysan , degmaysan ama ilaa heer tuulo ay ku muujisan tahay .
Arrintaasi waa mid innaga caawinayaa in xoogga la saaro hadba halka dhibtu ka taagan tahay, isla markaana la oggaado waxa sababaya fal dambiyeedyada faraha baddan ee ka dhacay gobolkaa, ama degmadaa ee ay dheer tahay dalka intiisa kale.
Ra’yiga lagu soo bandhigay maqaalkan wuxuu ka turjumayaa aragtida qoraaga, mana aha mid ka turjumaya siyaasadda tifaftirka, ama Faallada Araweelo News Network.
W/Q. Mohamed Abdi Jama
(Mohamed dhimbiil)