Araweelo News Network.
Moscow (ANN)-Dowladda Ruushka ayaa shaacisay xog sir ah oo ah oo sheegaysa in xukuumadda Ukraine ay
qorshaynayso in dalkeeda ay ku qarxiso gantaalo wasakhaysan oo sunta Nukliyeerka ka samaysan, iyadoo Ruushku sheegay in Maraykanku arrintan lug weyn ku leeyahay.
Lxidhiidha: Midawga Yurub Oo Qarka U Saaran Burbur
Qorshaha ay wadaan Ukraine iyo Maraykanka ayaa ah inay ku eedeeyaan Ruushka iyagoo arrintaa ku buunbuunin doona saxaafadda.
Dowladda Ukarine iyo Maraykanka ayaa shirqoolkan u diyaariyay Madaxweynaha Ruushka Vladimir Putin, iyagoo raba inay caalamka u sheegaan in Ruushku halis ku yahay Nabadda iyo xasiloonida dadweynaha Caalamka.
Laxidhiidha: Midawga Yurub Oo Qarka U Saaran Inay Isu Dhiibaan Vladimir Putin –New York Times
Hubka wasakhaysan ee dowladda Ukraine ay rabto inay ku Garaacdo deegaano waddankeeda ka mid ah ayaa ka Kooban shucaaca halista baddan ee Nukliyeerka, kaas oo sababa xanuuno baddan sida Kansar-ka, waana fursad Dahabi ah oo ay reer galbeedku rabaan inay dacaayad ahaan u isticmaalaan.
Lxidhiidha: Khilaafka U Dhexeeya Faransiiska iyo Jarmalka
Hase yeeshee wxa muuqata sida falanqeeyayaasha arrimahan sheegayaan in Ruushku aannu u baahnayn inuu hubka Nukliyeerka u isticmaalo Ukraine, sababtoo ah wuxuu haystaa diyaaraddaha Drones-ka iyo madaafiic casri ah oo uu ku garaaci karo goob kasta, kuwaas oo cadowga u geysan kara khasaare laxaad leh.
Arrimahan ayaa u muuqda kuwo ah dacaayado ay wadaan hay’ddaha mukhaabaraadka waddamada NATO iyo reer galbeedka.
Dagaalka, ayaa ka dhigay dalka Ukraine waddan aan cidna lahayn oo dadkiisu ay u afduuban yihiin Maraykanka, Israa’iil iyo xulufada reer Galbeedka. Sidaa awgeed waxa la saadaalinayaa in haddii dadka reer Ukraine ay ahaan lahaayeen kuwa Iska diida damaca reer Galbeedka oo ay Nabad iyo deris wanaag la qaadan lahaayeen Ruushka, in dhibaatadaa gaadhay maanta aannay gaadheen.
Araweelo News Desk
Written by Dr. Ahmed Hassan Salah, Editing by Arraale M Jama
Please share with your friends the news and information
Published by Araweelo News Network.
Follow us Twitter@Araweelonews
Facebook@AraweeloNews
By Arraale M Jama Freelance Journalist and Human Rights activist.
Araweelo News Network.
info@araweelonews.com