Araweelo News Network.
Bressules (ANN)-Waddmada Midowga Yurub ayaa wajjahaya Qalelaase siyaasadeed iyo jaahwareer dhaqaale.
Laxidhiidha: Midawga Yurub Oo Qarka U Saaran Inay Isu Dhiibaan Vladimir Putin –New York Times
Midowga Yurub ayaa si ka fiirsasho la’aan ah ku taageeray dowladda Yukrayn inay Dagaal la gasho dalka Ruushka. Sidoo kale dowladdaha midowga Yurub ayaa ku taageeray dowladda Maraykanka in Yukrayn laga taageero dhanka Millateriga iyo dhaqaalaha.
Natiijadii Dagaalaka Yukrayn waxay Noqotay in guud ahaan dalkii Yukrayn inuu burburo, iyo in kala badh dalkii Yukrayn uu gacanta u galay Ruushka, iyadoo Afar Gobol oo Dalka Yukrayn ka tirsan si toos ah ay dowladda Ruushku u maamusho.
Khilaafka U Dhexeeya Faransiiska iyo Jarmalka
Labada dowladood ee uugu tunka weyn Midowga Yurub (EU) Dhaqaale ahaan iyo Millateri ahaan ayaa is khilaafsan. labadan dowladood khilaafkooda ayaa la xidhiidha sidii loo isticmaali lahaa shidaalka iyo Gaasta dabiiciga ah ee ka timaada dalka Ruushka, taasi oo la soo marinayo waddamda woqooyiga Afrika sida Al-jeeriya iyo Morooko.
Dowladda faransiiska ayaa iaydu aamisan inay waddamda Waqooyiga Afrika iyadu soo guumaysatay, sidaa awgeed waxay rabtaa inay Maamusho dhuummaha shidaalka oo iyada looga dambeeyo, halka dowladda Jarmalku ay rabto in shidaalkaa si siman ay u qaybsadaan waddamda Midowga Yurub xubinaha ka ah.
Ruushka ayaa hadda maamulaya mustaqbalka waddamda Midowga Yurub wuxuuna awood u leeyahay inuu daqiiqad walba ka gooyo Qaaradda Yurub shidaalka iyo Gaasta dabiiciga ah. Xilli uu soo beeganyahay qaboobihii Qaaradda Yurub, ayaa ku beegan xilliga uu Vladimir Putin la sugayay, waxayna dalalka Qaaradda Yurub Yurub inata aan la gaadhin Jiilaalka waajahayaan Dhaqaale xumo, sicir barar iyo qalalaase Siyaasadeed.
Dowladda Maraykanka oo dhibaatadan qoorta u gelisay waddamda midowga Yurub ayaa iyadu Dhaqaale ahaan sii kobcaysa, wallow aannay dhibaatada dagaalka Yukrayn aannay ka badbaadin cidna, balse waxa la odhan karaa saamaynta dagaalka Yukrayn dhanka Maraykanka marka loo eego dhinaca dalalka Yurub maaha sidaa.
Araweelo News Desk
Written by Dr. Ahmed Hassan Salah, Editing by Arraale M Jama
Please share with your friends the news and information
Published by Araweelo News Network.
Follow us Twitter@Araweelonews
Facebook@AraweeloNews
By Arraale M Jama Freelance Journalist and Human Rights activist.
Araweelo News Network.
info@araweelonews.com