Araweelo News Network.
Boorama(ANN)-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Muuse Biixi Cabdi, ayaa ka hadlay khilaafka ka taagan dib u dhiska Suuqa Waaheen oo maalmihii u danbeeyay dadka dhismayaasha gaarka ah ku lihi saluug iyo cabasho ka muujiyeen qaabka loo qorsheeyay nashqada dib u dhiska.
Madaxweyne Biixi.ayaa sidoo kale ka hadlay dhibaatooyinka sii kordhaya ee Kufsiga oo sida uu sheegay noqday masiibo khatar weyn ah oo si xawli ah u socota, sidaa awgeed loo baahanyahay in wax laga qabto qaran ahaan iyo ummad ahaanba.
Hadalkii Siyaasadda Hooyaday Baa Iga Dardaartay, Madaxweyne Biixi
Dhinaca kale, Madaxweyne Biixi, wuxuu amaanay Gollayaasha Deegaanka, isagoo ku hanbalyeeyay shaqada ay hayaan, balse wuxuu tilmaamay in Jaamacaddaha looga baahanyahay in ay sameeyaan daraasado la xidhiidha dhibaatooyinka haysta bulshada ee dhinacyada caafimaadka, waxbarashadda, dhaqaalaha, shaqo la’aanta, abaaraha iyo mushkiladaha kale ee loo baahanyahay in laga sameeyo daraasado lagu go’aan qaato oo ay jaamacadduhu sameeyaan.
Madaxweyne Biixi, wuxuu soo hadal qaaday wuxuu ku tilmaamay Niyad-jabka haweenka ee xagga doorka siyaasadda, dhaqaalaha iyo waxbarashada, wuxuuna arrimahaa iyo kuwo kale Madaxweynuhu kaga hadlay khudbad uu ka jeediyay Khamiistii munaasibada dufcadii 21aad ee Jaamacadda Camuud oo shahaadooyin lagu guddoonsiiyay 1088 Arday oo dhammaystay culuun kala duwan, taas oo lagu qabtay hoolka weyn ee Jaamacadda oo ay ka qaybgaleen Masuuliyiin kala duwan, ganacsato, waalidiin iyo marti sharaf kale.
Dhibaatada Kufsiga, ayaa ka mid ahayd arrimaha Madaxweyne Biixi khudbadiisa ku dheeraday, isagoo ku tilmaamay in Kufsgu yahay masiibo xawli ku socota, isla markaana tusaale usoo qaatay saddexdii sannadood ee u danbeeyay kiisaska kufsiga ee dalka ka dhacay oo si weyn u kordhay marka loo eego sannadihii hore.
Madaxweyne Biixi, wuxuuna tusaale usoo qaatay, sannadkii 20020 dacwaddaha Kufsiga ee soo gaadhay maxakamaddaha oo sida uu sheegay noqday 161 , halka sannadkan 2021 ay soo gaadheen 232, taas oo muujinay in ay kordheen 44% sidoo kale, 286 kiis oo kufsi ah ayaa soo gaadhay toddonadii biloood ee u danbeeyay Booliska iyo Maxkaamaddaha, sida uu sheegay Madaxweynuhu, wuxuuna arrintaa ku tilmaamay mushkiald aafo qaran ah oo xawli ku socota, sidaa awgeed ay lagama maarmaan tahay in mushkiladaa xal loo helo.
“Mushkiladaa innagu socotaa waa mid aayeheena iyo mustaqbalkeena mugdi gelinay, sidaa awgeed waxaan halkan maanta Fariinta uga dirayaa, madax-dhaqameedka, Culimada, waalidiinta, dhakhaatiirta, aqoonyahanka, gollayaasha qaranka ee dalka, siyaasiyiinta iyo cid walba oo damiir leh, waa innaynu wax ka qabanaa masiibaada, ayuu yidhi, Madaxweyne Biixi.
Dhinaca kale, wuxuu xusay in masiibadaa hore looga dooday, isla markaana sharci laga soo saaray, balse murran iyo khilaaf ka dhashay, sidaa darteed wuxuu sheegay in waxa lagu murmayaa tahay side ayaynu Hableheena iyo Hooyooyinkeen iyo mustaqbalkeena u badbaadinaa oo mushkilada uga baxnaa, mustaqbalkeena u hagaajinaa.ayuu yidhi.
Madaxweyne Biixi, ayaa khudbadiisa kusoo qaatay masiibadii Suuqa Waaheen oo dedaal iyo juhdi baddan la geliyay sidii looga soo kaban lahaa masiibadii ka dhalatay ee saamaysay dhaqaalaha dalka iyo ganacsiga, wuxuuna xusay tilmaamay doorka in aannay jirin gacan weyn oo ay Somaliland ka heshay dunida iyo dawladdaha dhaqaalaha haysta, balse ay xukuumad iyo shacbiba ay dedaaleen, isagoo ka hadlay dhaqaalaha maaliyadeed ee loo hayo suuqaa iyo sida loo qorsheeyay.
“Lacagta Suuqa Waaheen loo ururriyay 29 Milyan oo dollar iyo boqolaal, lacagtaa inta baddan 90%, waa wixii aynu isu geynay, wax dawladda innagu caawiyeen kama badna saddex millyan, Taiwan waxay ina soo gaadhsiisay shan boqol oo kun, kuwa kale ee inna soo gaadhsiiyay lacagta ugu baddan saddexdaa milyan, waa kuwa ugu fiqiirsan oo Djibouti iyo Soomaaliya ayaa inta ugu baddan ina soo gaadhsiiyay. ”
Madaxweyne Biixi oo ka hadlayay doorkii ay dalalka Khaliijka iyo Yurub ku lahaayeen lacagtaa Suuqa Waaheen ee soo gaadhay Somaliland, wuxuu sheegay in aannay dalalkaasi soo gadhsiin hal milyan oo dollar.
Mar uu ka hadlayay Madaxweynuhu qaabka loo maaamulay lacagtaa, wuxuu carabka ku adkeeyay inuu ahaa msahruucii ugu wanaagsnaa ee si daaf-furan loo maamulay, isagoo xusay in laba sanduuq oo mid ay kusoo dhacdo lacagta dawladdaha iyo dawladda Somaliland, halka sanduuqa kalena ay kusoo dhacdo lacagta ay bixiyaan ganacsatada.
Lacagta ganacsatada Somaliland ee guddaha iyo dibeddu soo gaadhsiiyeen ayuu Madaxweyne Biixi ku sheegay qadar lacageed oo dhan tobban milyan iyo dheeraad, oo siddeed ganacsato ah oo Somaliland ah ay bixiyeen keligood, “Ganacsatadeena, dawladda iyo dadka Somaliland ama qurbaha ha joogeen, ama dalka, waxay lacagta aynu isu geynay noqotay $29 milyan, sidaa awgeed markaynu isku kalsoonaano waxay muujinaysaa in wax baddan aynu qabsan karo.” Ayuu yidhi.
Madaxweyne Biixi, wuxuu ka cudurdaartay in ganacsatada Soomaaliya oo sheegay in ay hal Milyan oo dollar kaga qayb qaadanayaan masiibada suuqa waaheen aanu hubin in ay soo gaadhay guddida iyo in kale.
Sidoo kale, Madaxweynuhu wuxuu shegay in lacag gaadhay $9, 750,000, loo qaybiyay dadkii ganacsatada ahaa ee dhibaatadu soo gaadhay, oo la gaadhsiiyay 2901 qof, isagoo tilmaamay in lacagtii suuqaa oo ah mid casri ah lagu dhisi lahaa iyo nashqadii oo noqonaysa
Mar uu ka hadlayay Suuqa wuxuu soo qaaday saluuga ay muujiyeen ganacsatada qaarkood iyo qorshaha nashqada qaran ee loo diyaariyay, isagoo tilmaamay in cabashada dadka markii la baadhay mushkilada keliya ee jirtaa tahay in ay dadkii qaar leeyihiin “saalankayaga dadka kale la wadaagi mayno.”, wuxuu sheegay in Saalanka qaranku leeyahay oo aannu noqonayn dhaxal, isla markaana aannu jirayn qpf iska xidhto.Sidaa darteed Madaxweyne Biixi wuxuu sheegay in shaqadii iyo tacabkii galay qorshaha Suuqa Waaheen aannu ahayn mid dib loo celinayo ee Maayarka iyo guddida looga fadhiyo in ay fuliyaan.
Please share with your friends the news and information provided by Araweelo News Network.
Published by Araweelo News Network.
Follow us Twitter@Araweelonews
Facebook@AraweeloNews
By Arraale M Jama Freelance Journalist and Human Rights activist.
Araweelo News Network.
info@araweelonews.com