Araweelo News Network.
Hargeysa(ANN)- Gollaha Wakiillada Somaliland, ayaa si layaab leh ugu codeeyay saddex xubnood oo guddida doorashooyin ah, kuwaas oo ay hore uga waayay gollaha markii la horgeeyay Jun 20th, 2022, iyadoo xilligaa mudanayaashu kalsoonida siiyeen Afar xubnood oo keliya oo ka mid ah toddobada xubnood ee Guddida doorashooyinku ka kooban yihiin.
Hase yeeshee Madaxweyne Biixi ayaa dib ugu soo celiyay saddexda xubnood gollaha wakiilllada, kuwaas oo saaka la horgeeyay si codka kasloonida loogu weydiiyo, iyadoo sharcigu awood u siinayo in ay diidaan, ama ay ansixiyaan.
Laxidhiidha: Golaha Wakiiladu Ma Bedelayaan Go’aankii Xubnaha Gudida Doorashooyinka
Guddoomiyaha Gollaha Wakiillada Cabdirisaaq Khaliif oo guddoominayay fadhigaa oo ay kasoo xaadireen 71 xildhibaan ayaa u ku wargeliyay xildhibaanada in Madaxweynuhu kusoo celiyay saddexda xubnood ee ay hore u diideen, sidaa awgeed loo baahanyahay in hawlaha doorashooyinka ee yaal awgood la dhamaystiro xubnaha guddida doorashooyinka eek ala dhantaalan.
Guddoomiyaha , ayaa sheegay in saddexda xubnood hore gollaha loogu akhiriyay taariikhdoda waxbarasho iyo hawlihii ay soo qabteen, sidaa awgeed mudanayaashu codkooda ka dhiibtaaan, wuxuuna codka gacan taaga ah u weydiiyay mudanayaasha, isagoo xubin xubin ugu xaadiriyay.
Laxidhiidha: Gollaha Wakiillada Oo Diiday Saddex Xubnood Guddida Doorashooyinka Qaranka
Saddexda xubnood ee Guddida doorashooyinka Qaranka oo Madaxweyne Bixii, kuwoo celiyay gollaha, ayaa kala ahaa, Muuse Xasan Yuusuf, waxaana markii codka loo weydiiyay gollaha waxa ogolaaday70 mudane, mana jirin cid diiiday iyo cid ka aamustay guddoomiyuhuna ka codayn.
Axmed Xasan Cismaan, ayaa sidoo kale cod loo weydiiyay gollaha, waxaana ogolaaday 70 xildhibaan, mana jirin cid diiday iyo cid ka aamustay guddoomiyuhuna ka codayn.
Axmed Yuusuf Maxamed, waxaa ogolaaday 70 mudane, ma jirin cid diiday iyo cid ka aamustay, guddoomiyuhuna ka codayn.
Sddexda xubnood ee guddida doorashooyinka, ayaa sidaa lagu ansixiyay, kuwaas oo gollaha wakiilladu cod ku hor istaageen markii la horgeeyay Jun 20th, 2022, iyagoo ansixiyay Afarta xubnood oo keliya toddobada xubnood ee guddida doorashooyinka qaranku ka kooban yahay.
Codka aqlabiyada weyn ee Gollaha wakiilladu maanta ku ogolaaday saddexda xubnood ee ay hore u diideen, balse Madaxweyne Biixi kusoo celiyay, ayaa noqday mid ay Bulshadu su’aalo iska weydiinayaan, wallow ay muuqatay in saddexda xubnood ay sidaa ku ansixinayaan.
Please share with your friends the news and information provided by Araweelo News Network.
Published by Araweelo News Network.
Follow us Twitter@Araweelonews
Facebook@AraweeloNews
By Arraale M Jama Freelance Journalist and Human Rights activist.
Araweelo News Network.
info@araweelonews.com