Araweelo News Network.
Dagaalada ka dhacaya Ethiopia waxay sabab u noqdeen in boqollaal kun oo qoxooti ah ay ka Qaxaan colaadaha ka jira dalka Ethiopia, Qoxootogaa ayaa u haajiraya waddamada deriska.
Soomaaliya waxay Ethiopia la leedahay xuduud dheer, xuduudda soomaaliya waa mid Iska dayacan oo aan ciidna ilaalin, waxaana Guddaha Soomaaliya ku soo qaxay boqollaal kun oo qoxooti Ethiopian ah gaar ahaan somaliland iyo puntland.
Qoxootiga xabashida ayaa beegsanaya magaalada boosaaso si ay uuga sii tahriibaan oo Yemen illaa sucuudiga ay ku gaadhaan.
Sidoo kale Qoxooti baddan ayaa ku sugan Guddaha somaliland iyo puntland. Qoxootiga Ethiopian ka ah badanaa ma aadaan Gobollada koonfurta Soomaaliya colaadaha ka jira awgeed.
Waxaa Halis ku jira Somaliland iyo Puntland maadaama Ethiopian ku ay caan ku yihiin inay sheegtaan dhulkaa weliba damacooda Taariikhiga ah ayaa ah inay Badda la wareegeen tab iyo xeelad kasta oo ay kula wareegi karaan.
Haddii ay doonaan ciidamadii Badda ee Ay Ethiopia samaystay ayaa qoxooti Iska soo dhigay oo xagga Badda naga maraya. Waana arrin hadday xagga badda naga maraana Somaliland iyo maamulka Soomaaliya ee Puntland kama hadli karaan oo Ethiopia waxaaba kala dhexaysa wada shaqayn iyo saaxiibtinimo dhow.
Dhowaan puntland waxaa soo booqday saraakiisha sar sare oo millateriga iyo sirdoonka Ethiopia ah , waxaana ku Faanay madaxda puntland.
Shacabka soomaaliyeed gaar ahaan reer Somaliland iyo maamul goboleedka Puntland indhihiina si taxxaddar leh u furaan oo arrimahan si feejignaani ku jirto hawla socdaan.
Ra’yiga lagu soo bandhigay maqaalkan wuxuu ka turjumayaa aragtida qoraaga, mana aha mid ka turjumaya siyaasadda tifaftirka, ama Faallada Araweelo News Network.
W/Q Dr.Ahmed Hasan Saalah