Araweelo News Network.
Hargeysa(ANN)-Allah haw naxariistee waxa maanta ku geeriyooday Magaalada Hargeysa Abwaan Maxamed Ibraahim Warsame (Hadraawi) oo muddooyinkii u danbeeyay xaaladdiisa caafimaad lala tacaalayay.
Abwaan Maxamed Ibraahim Warsame, wuxuu ahaa halgamaa ku taxan taariikhda halganka geyiga Soomaalida iyo guud ahaan dunida inta ay ku nool yihiim dadka dulmin oo xaqooda raadinaya, suugaantiisa badweynta ah ee lagu faafiyay luqadaha baddan ayaa laga dareemayaa halgankiisa aan ku koobayn geyiga Soomaalida iyo geeska Afrika oo keliya.
Geerida Abwaan Hadraawi, ayaa laga dareemay geyiga Soomaalida oo dhan, waxayna qof walba ku naxdin iyo murrugo tiiraanyo ah.
Allah haw naxariistee Saciid Jaamac Xuseen oo ahaa Aqoonyahan qoraa iyo halgamaa oo 9 Jun 2022, ku geeriyooday dalka Ingiriiska ayaa ka mid ahaa dadka ay Abwaan Hadraawi soo wada koreen ayaa ka hor intii aannu geeriyoon ka qoray maqaalkan.
Hadday jiraan malyuun qof oo Hadraawi yaqaan, waxaa hubaal ah in mid waliba sidiisa u yaqaan oo halkaas aad ugu tegaysid malyuun. Aniguna malyuunkaas ayaan ka mid ahay.
Sidaan U Aqaan:
Waa qof, waa abuur insi ah, waa nolol giraan ah, oo xilkeeda, xiskeeda, xanuunkeeda iyo xariirteedu waqti xaddidan leeyihiin., oo meel ka bilaabmay, meelna ku dhammaanay. Tan iyo maanta, noloshaa giraanta ah wixii soo maray, inta yar ee aan ka warqabo, ayaan ka bartay Hadraawi kuu yahay, wartebintayduna ka shidaal qaadanaysaa.
Maxamed Ibraahin Warsame (Hadraawi) degaanka Ballicalanle ee ku yaal degmada Qorilugud, gobolka Caynaba ayuu ku dhashay bilawgii afartanaadkii qarnigii la soo dhaafay. Qoys xoolo-dhaqata ah ayuu ka soo jeedaa. Miyi isu kala jira inta dunida cidhifyadeedu isu kala jiraan, cir xiddigihiisu meel dhow ka dhalaalayaan, carra san ciid cas leh oo xoolo-daaqeenka ku wanaagsan, geela iyo adhigaba, ayuu Hadraawi ku indha-furay carruurnimadiisii.
Hadraawi maskaxdiisa ugub waxaa dugsi wabarasho u ahaa dhulkaa cimiladiisa, cirkaa haybaddiisa, xoolo ilaalintooda, dadka degaankaas ku nool aqoontooda, xeerkooda iyo waaya-araggooda. Maskaxdii ugubka ahayd ee aqoonta u oommanayd, laylintaas ka dib, si buuxa ayay dugsigaa uga soo aflaxday.
Toban jirkiisiiba, wax yar baa ku seeganaa degaankaas aqoonta loo yeelan karo iyo hab-nololeedka dadkiisu kaga dhaqmayay. Qaabka ugu miisaanka culus ee noloshaa iyo axwaasheeda la isugu gudbin jiray, odhaah ayay ahayd. Middaasna Hadraawi si fiican ayuu uga haqab beelay. Salka, saaska iyo hodonnimada afkiisa iyo suugaantiisa lagu ashqaraarayo, halkaas ayay ka soo jeeddaa.
Degaankaas inta uu isha ku dhiftay – baadka, biyaha, xoolaha, xawayaanka, cirka, dhulka, dadka iyo hiddaha ka jira mid aanu magaciisa baran iyo habka loo adeegsado waxba kama maqnayn. Kaasi waa Hadraawiga Af-yaqaanka ah ee magacu ugu baxay. Taasina waa giraantii noloshiisa u horraysay, sida aan anigu u aqaan.
CADAN iyo Raadkeeda, Kontomaadkii iyo Lixdamaadkii Qarnigii Hore:
Aden Harbor Raadka ugu culus, tan iyo maantadan la joogo, ee laga garan karo saamaynta Hadraawi shakhsiyaddiisa qof’ahaaneed iyo tan suugaaneedba magaalada CADAN ayaa loogu aroorayaa. Hadraawigii afka iyo dhaqanka baadiyaha soo fuuqsaday, ee toban-jirka aan wax rooni u raacayn, ayaa ka soo degey marsada Cadmeed.
Marsada New York iyo tan Hong Kong ayaa lagu soo dari jiray, marka marsooyinka adduunka ugu caansan la sheegayo. Duni tuu arki jiray si walba uga geddisan, ayuu la kulmay. Tirada ugu badan ee la isugu yimaaddo aroos, ama iid, ama Alla-bari miyiga tobannaan ma dhaafi jirin. Ishiisuna wax ka badan ma arki jirin.
Cadan markuu soo galay, tobannaan kun oo is-dhex yaacaya, oo quruumo, afaf, diimo, iyo dadyow kala duwan ka socda ayuu la kulmay. Daaro, waddooyin, iyo duni wada iftiimaya aan laga baqayn bahal iyo belo kale oo reerka u soo dhaca ayuu soo degey. Quraankii, diintii iyo Af-carbeedkii ayuu ku bartay.
Saaxiibbo kala duwan oo Soomaali iyo Carab u badan ayuu kasbaday. Dugsiga ‘Baaderiga Tawaahi’ ayuu Af-Ingiriisiga kaga soo baxay. Carabida uu dugsiyada Cadmeed ka bartay, waxaa tilmaan mudan gabayga Af-carbeedka, oo maansada Soomaaliyeed ay dhinacyo badan wax ka wadaagaan. Gaar ahaan kuwa ay tiriyeen gabyaa caan ahi sida Umru’l Qays.. Cantara. Al-Mutanabbi.. Xaafid Ibraahiim.. iyo kuwo Yamaneed laftoodu sida M. Garaada.. Ludfi Jacfar Amaan.. Idris Xanbala. Suugaan-yahannimada Hadraawi iyo curintiisaba gabyaagaasi si lixaad leh ayay u badhi-taareen.
W.Q. Siciid Jaamac Xuseen
Email: sjx2005@hotmai.co.uk
————————
Siciid Jaamac Xuseen (Gucmadi), wuxuu ahaa qoraa ka faalooda arrimaha Suugaanta, iyo sooyaalka dhacdooyinka nolosha iyo halgamaa door ku lahaa halganka Soomalida. Siciid wuxuu sidoo ahaa qoraaga, dhawr Buug oo uu ka mid yahay buugga ugu caansan ‘Safar aan Jaho Lahayn’, waana guddoomiye xigeenkii hore ee Naadiga Qalinlayda Soomaaliyeed, Guddoomiye ku xigeenkii Jahbadii SSDF, Siciid wuxuu 9 Jun 2022, ku geeriyooday magaalada London, UK.
Please share with your friends the news and information provided by Araweelo News Network.
Published by Araweelo News Network.
Follow us Twitter@Araweelonews
Facebook@AraweeloNews
By Arraale M Jama Freelance Journalist and Human Rights activist.
Araweelo News Network.
info@araweelonews.com