Araweelo News Network.
Hargeysa(ANN)-Wasaaradda Waxbarashada iyo Sayniska Jamhuuriyadda Somaliland iyo xafiiska Imtixaanaadka Qaranka, ayaa sheegay in maanta oo ah Sabti 11/6/2022, imtixaankii shahaadiga loo qorsheeyay in ay u fadhiistaan Arday tiradoodu dhan tahay 37,300.
Fasalada 8aad ee dugsiyada dhexe oo tiradoodu dhantahay 23,000, halka Fasalada Afraad ee Dugsiyada Sare ay tirada Ardayda u fadhiisnay imtixaanka shahaadiag ah ay dhan yihiin 14,300. Waxayna tirada isu geynta guud ee dalka oo dhan noqonaysaa Ardayda Imtixaanka u fadhiisnay Fasalada siddeedaad iyo Dugsiyada sare 37, 300, Arday.
Guud ahaan Imtixaanka ayaa si nabadgelyo ah uga qabsoomay dhamaman gobollada iyo degmooyinka uu ka kooban yahay dalka Jamhuuriyadda Somaliland, wuxuuna noqonayaa Imtixaanku sannadkan kii Ardaydii ugu badnayd u fadhisiteen.
Dhinaca akle, Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Muuse Biixi Cabdi, ayaa Ardauda u fadhiisatay imtixaanaadka shahaadiga guud ahaan gobollada iyo degmooyinka u hanbalyeeyay.
Sidoo kale madaxweynuhu waxa uu Ardaydaa tirada badan oo ah markii u horaysay ee tiro intaa leegi ay u fadhiisato imtixaanaad shahaadi ah in Allah u fududeeyo kuna guuleeyo geediga waxbarasho ee ay soo wadeen lana barbar-taagnaayeen waalidiintoodu, isagoo u rajeeyay inay guul ka gaadhaan mustaqbalkooda waxbarasho, dalkooda iyo dadkoodana ku anfacaan, isla markaana ku dardaaray in ay halkaa kasii wadaan hayaankooda waxbarasho
Please share with your friends the news and information provided by Araweelo News Network.
Published by Araweelo News Network.
Follow us Twitter@Araweelonews
Facebook@AraweeloNews
By Arraale M Jama Freelance Journalist and Human Rights activist.
Araweelo News Network.
info@araweelonews.com