Araweelo News Network.
Hargeysa(ANN)-Wasaaradda Maaliyadda Jamhuuriyadda Somaliland, ayaa digniin u dirtay Shirkaddaha Isgaashiinta Somaliland ee ka hawlgala dalka.
Wasaaradda Maaliyadda Jamhuuriyadda Somaliland, ayaa sheegtay iyadoo ka duulaysa xeerarka shuruucda dalka iyo xeerka cashuuraha dalka ee ku waajibiyay shirkaddaha Isgaadhsiinta cashuuraha, isla markaana dib u dhac ku yimi xilligii ay wajibka ahayd in ay bixiyaan cashuuraha ku waajibay.
Sidaa awgeed waxay wasaaraddu soo saartay digniin kama dambays ah oo lagu wargelinyo shirkaddaha Isgaadshiinta dalka in ay muddo cayiman kusoo bixiyaan cashuuraha ku baaqday ee sannadkii 2021.
Wasaaradda maaliyadda Jamhuuriyadda Somaliland, waxay si cad u sheegtay in shirkaddii muddadaa ku bixinweyda cashuurta ku waajibtay tallaabo sharciga waafaqsan laga qaadayo.
Sidaa datreed waxa lagu wargelina in ay muddada loo qabtay kusoo bixiyaan dhammaan cashuuraha ku waajibay ee sannadkii hore 20221, ku baaqday.
Noocyada cashuuraha ku waajibay ee laga doonayo shirkaddaha Isgaadhsiinta ayaa lagu sharaxay muuqaalkan hoore.
Halkan Ka Daawo Noocyada Cashuuraha
Please share with your friends the news and information provided by Araweelo News Network.
Published by Araweelo News Network.
Follow us Twitter@Araweelonews
Facebook@AraweeloNews
By Arraale M Jama Freelance Journalist and Human Rights activist.
Araweelo News Network.
info@araweelonews.com