Araweelo News Network.
Hargeysa(ANN)-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Muuse Biixi Cabdi, ayaa cafis u fidiyay maxaabiis tiradoodu gaadhay saddex boqol iyo dheeraad.
Sidaana waxa lagu sheegay qoraal kasoo baxay qasriga Madaxtooyadda oo nuqul ka mid ah soo gaadhay shebekaddaha Araweelo News Network.
Qoraalka oo ku taariikhaysnaa 1 May 2022, ayaa lagu xusay in Madaxweynuhu cafiska ugu talagalay in ay ka faa’idaystaan maxaabiista xeerku jideeyay cafiskooda, munaasibada ciidda fitriga awgeed.
Qoraalka, ayaa nuxur ahaan u dhignaa sidan, ” In laga bilaabo taariikhda maanta aan Cafis u fidiyo, munaasibadda ciidda Fidriga awgeed maxaabiista dembiyada fudud ku xukuman ee xabsiyada dalka ku xidhan, oo tiradoodu dhan tahay 360 (Saddex Boqol iyo Lixdan) maxbuus. “
Cafiskani saamayn kuma laha xuquuqda madaniga ah iyo raad ciqaabeedka, ka dhalanaya dembiyadda ay ku xukunnaayeen. Waxa cafiskan fulinaya Xafiiska Xeer Ilaaliyaha Guud ee Qaranka, iyada oo la raacayo liiska Maxaabiista ayaa la raaciyay qoraalka kasoo baxay xafiiska Madaxweynaha Somaliland.
Please share with your friends the news and information provided by Araweelo News Network.
Published by Araweelo News Network.
Follow us Twitter@Araweelonews
Facebook@AraweeloNews
By Arraale M Jama Freelance Journalist and Human Rights activist.
Araweelo News Network.