Araweelo News Network.
Warbixin Laga Akhriyay Gollaha Wakiillada oo waxyaabo baddan kashiftay
Hargeysa(ANN)-Xildhibaan Axmed Xasan Casoowe, oo ah guddoomiye ku xigeenka guddida joogtada iyo anshaxa ee gollaha wakiillada Somaliland, ayaa warbixin uu ka jeediyay fadhigii gollaha kaga hadlay dhibaatooyin carqalado soo waajaahay deeqihii waxbarasho ee Ardayda Somaliland ka heli jireen toddoba dal oo aduunka ah.
Guddoomiye ku xigeenka guddida xildhibaan Axmed Xasan Casoowe, wuxuu sheegay dawladda federaalka ee Soomaaliya xanibtay deeqaha waxbarashada ee Ardayda Somaliland ugu bixi jireen toddaba dal oo ka mid ah tobban dal oo ay Somaliland ka heli jirtay deeqahaa.
“Deeqaha waxbarashadda ee dibada waxa ina siin jiray 10 waddan oo kala ah, Sudan, Kenya, Uganda, Masar, Yemen, Libiya, Turkey, Maleysiya, Ethiopia, Taiwan iyo Dowlad Deegaanka Soomaalida Ethiopia, deeqaha waxbarasho waxaa carqaladeeyay Dowlada Faderalka Soomaliya” ayuu yidhi Casoowe.
”Guddida Tacliinta sare, waxay ku doodday in deeqihii layna siin jiray, dalalka imika toos aynu deeqaha waxbarasho uga helnaa ay kusoo urureen, Ethiopia, Dowlad Deegaanka Soomaalida Ethiopia iyo Taiwan”ayaa lagu yidhi, warbixinta.
Guddoomiye ku xigeenka guddida xildhibaan Axmed Xasan Casoowe, waxa uu warbixintaa ku sheegay in ay kulamo la yeesheen Guddida Doorashooyinka Somaliland, guddida talcliinta sare, wasiirka wasaaradda Cafimaadka, Maareeyaha Dekeddaha iyo sidoo kale qaar ka mid ah ganacsatada dalka.
Hase yeeshee Wasiirka Gancsiga iyo Dalxiiska Maxamed Saajin, ayaa ka muquurtay balantii ay guddidu la lahayd, iyagoo doonayay in mushkiladaha sicir-bararka iyo qiimaha maceeshada oo si weyn kor ugu kacay.
Guddoomiye Axmed Xasan Cali Casoowe, wuxuu sheegay in Guddidu muddadaa ay soo diyaariyeen Xeerka anshaxa ee gollaha wakiillada Somaliland.
Warbixinta, wuxuu Xildhibaan Casoowe kaga hadlay waxyaabo baddan oo guddidu kusoo ururisay warbixintaa iyo waxyaabaha ay kala kulmeen masuuliyiinta ay la kulmeen muddadii golluhu xidhnaa.
Warbixinta Oo Dhamaystiran Daawo
Published by Araweelo News Network.
Fadlan la wadaag saaxiibadaa oo warbxinaha iyo wararka ay soo gudbiyaan shebekaddaha Araweelo News Network.
Follow us Twitter@Araweelonews
Facebook@AraweeloNews
instagram@araweelonews
By Arraale M Jama Freelance Journalist and Human Rights activist.
info@araweelonews.com