Araweelo News Network.
“ Hadalkaygu ma ahayn mid aan ku dhiirigelinayo mabaadiida aan u aqaan in ay mutadarafnimada, waan ka xumahay,” Boqor Cismaan Buurmadaw
Hargeysa(ANN)-Boqor Cismaan Aw Maxamuud Buur-madaw oo ka mid ah madaxdhaqameedka Somaliland ee ugu caansan geyiga Soomaalida, ayaa sheegay in hadal uu ka jeediyay munaasibad lagu casuumay si khaldan shacbiga Muqdisho loogu fasiray.
Boqor Cismaan Aw Maxamuud oo muddooyinkan ku kulamo shirar iyo hawlo u joogay Magaaladda Muqdisho ee xarunta Soomaaliya, ayaa sheegay in uu raaligelin ka bixinayo hadalkaa oo ahaa mid kaftan ah, balse aaanu ula jeedin dhibaato iyo inuu cid si gaar ah ugu taageero.
“Annigu waxaan ahay madax-dhaqameed halakan uma iman in aan ka cadhaysiiyo cid, ama kala fogeeyo bulshada, waxaan u imi in aan dadka isu soo dhoweeyo, markaa maaha in shacabka wax aan jirin loo sheego.” Ayuu yidhi.
Sidoo Boqor Cismaan Buur-madaw oo muddooyinkan ku sugnaa caasimadda Soomaaliya ee Muqdisho, ayaa kulamo uu la yeeshay siyaasiyiin iyo madax-dhaqameed ku sugan Soomaaliya, ka jeediyay khudbado si weyn warbaahinta u qabsaday, isla markaana dhaliyay doodo.
Hase yeeshee ilaa xalay waxa soo baxayay warar lagu dhaleecaynayo mid ka mid ah khudbadaha uu jeediyay casuumadaha loo samaynayay oo hadalkiisa qayb ka mid ah laga soo qaatay, iyadoo lagu eedeynayo in ay ahaayeen weedho u muuqday kuwo taageero u ah koxoda Al-shabaab.
Boqor Cismaan Aw Maxamuud Buur-madaw, ayaa markaa kaddib hadalkaa ka bixiyay raaligelin, wuxuuna isagoo Salaasadii, isagoo warbaahinta kula hadlay magaaladda Muqdisho yidhi, “Hadalkaygu ma ahayn mid aan dhiirigelinayo mabaadiida aan u aqaan in ay mutadarafnimada tahay (xagjirnimo), mana ihi nin taageersan mabaadiidaa, waana ka xumahay in in shacbigii Muqdisho ee isoo dhoweeyay loo sheego wax aan jirin oo la yidhaando, “ waxa Muqdisho yimi Nin Dhiigii Dadka Ku Raaxaysanaya, waana ka raali geolinayaa shacbiga hadalkayga meel aan aannu ahayn loo kexeeyay.”
Halkan Ka Daawo Boqor Buur-madaw oo ka hadlaya arrimaaha.
Published by Araweelo News Network.
Fadlan la wadaag saaxiibadaa oo warbxinaha iyo wararka ay soo gudbiyaan shebekaddaha Araweelo News Network.
Follow us Twitter@Araweelonews
Facebook@AraweeloNews
instagram@araweelonews
By Arraale M Jama Freelance Journalist and Human Rights activist.
info@araweelonews.com