Araweelo News Network.
By. Eng. Abdirahman Dantaada bulshooy ilow, Sidii aad tahay dameer, Dushaa uun uga rarraw, Damiin iyo will an geyin, Dulqaadkaagoo u qaba, Inaadan dareen lahayn, Oo aan daranyada arkayn.
Dushaada warkaa ku yaal, Amaba iska diidayoo, Daalkaagaasina u qaba, Dhalliil kula deristayoo, Adiga kuuba ah dabeec…Wallee kuma dala’sadeen.
Duntaada ninkii yiqiin, Maxaad doqon dhowrataa, Ku haysaa daarta weyn, Xurmaysaa oo deddaa, Intaad darajaysid aad, Dushiisana shaal sudhaa.
Siduu dirxi iyo ahaa, Aboor dusha kaaga baxay, Beerkaaga dalooshadoo, Dib uun addi kuugu hadha, Sidii uu yahay dugaag.
Dagnaan iyo gaadmo raba, Siduu kuu dagi lahaa, Jidhkaaga u diiran laa.
Dhammaataye doo dhahoo, Damiirkaagii gilgilo, Dabkaagii toosi damay, Bal maantuun kaa ku diid, Tashoo doon doon nin kale, Mid gaadhkaaga u dibjira, Hoggaan qarankaa u diran, Mid aan dayacaaga rabin.
Ra’yiga lagu soo bandhigay maqaalkan wuxuu ka turjumayaa aragtida qoraaga, mana aha mid ka turjumaya siyaasadda tifaftirka, ama Faallada Araweelo News Network.
By. Eng. Abdirahman Ismail Nouh