Araweelo News Network.

Maxaa Ku Dhacaya Marka Bulshadu Ka Cabto Durdurka Aqoondarrada?

 

Waxa aad u bulshadeenna aad ugu soo badanaya dooddaha bulsho ama siyaasadeed, qaadaa dhigga khilaafka afkaarta, macnaynta qaladaadka iyo ceebaynta shakhsiga ah.

Waa wax aad looga xumaado ah in muuqaalladaasi aad uga muuqdaan nolol maalmeedka bulshada Somaliland.

Muqaalladaa waa lagu arki karaa oo si xoog leh ayay uga jiraan maamullada dhulka soomaalidu degto ee ku xeeran Somaliland.

Sidaa awgeed waxay dad badani isweyddiiyaan ahmiyadda ay u leeyihiin dadka joogtaystay ku dhaqanka caaddo bulsheedyada aan cilmiga ku dhsnayn, hagardaamadooduna ka badan tahay waxtarkooda.

Waxa run ah oo aan laba isku diiddanayn in diinta islaamka iyo is xishmayntu saldhig u yihiin dhaqanka bulshadeenna iyo macaamilkooda.

Sooyaalku wuxu sheegayaa sida xoogga leh ee loogu tiirsanaa labadaa marka bulshadu maaraynayso arrimaheeda bulsho iyo xaaladdaha amni. Siyaasaddu waa geed da’ yar marka la barbar dhigo diinta iyo dhaqanka bulsho ee soo jireenka ah, waana sida geed ku cusub oo la dhaqankiisa iyo taabbagalintiisa aan weli looga dheregsanayn si buuxda guud ahaa Somalida.

Haddaba waxa la isweyddiin karaa waxa isbeddelay ee dooriyay dhaqankii iyo xeerarkii la dhaxlay ee maamul bulsho, dhaqaale iyo dhaqan ee ilaalinayay bulshada iyo hababkeeda dhisme iyo nololeed.

Haddii aynnu samaynno ukuurgal degdeg ah iyo baadhitaan aan jawaabo ku habboonaan jugu raadinaynno doorsoonka qotoda dheer ee dhaawaca ku ah dhaqannada bulshadeenna iyo macaamilkooda weliba dhinacyada bulsho, dhaqan-dhaqaale ama siyaasadeed waxa laga yaabaa inaan heli karno qodobo tilmaamaya dhacdo xaaladeedyada ku soo kordhay nidaamka dowliga ahsoo kordhay iyo asbaabahanka dambeeya.

Gudagalka draasadaynta noocaas ah, waxa innooga soo baxaya in ay jireen duruufo iyo isbeddello saameeyey qaabka fikirka, wadaxidhiidhka iyo ka falcelinta dhacdooyinka iyo dooddaha la xidhiidha.

Si kooban haddii aan farta u saarno qodobbadaas waxa ka mid:

  1. Heerka aqooneed ee bulshada iyo hormoodkeeda ee artimo badan oo taagan ayaa keenaa dadku la badheedhaan afkaar waxyeello ku ah dowladnimada, xukunka sharciga, deganaanshaha iyo wada noolaanshaha bulsho natiijaduna noqoto is eedaynta oo badata, caqabadaha aasaagiga la abbaari kari waayo, horumarkana la qiyaasi kari waayo.
  2. Adeegsiga hababka casriga ah ee wadaxidhiidhka iyo adeegsiga baraha bulshada noocyadooda kala duwan oo weliba sii kordhaya.
  3. Bulshada oo ku qiimaysa dhacdo, hadal ama muuqaal soo kordhay falcelinta shakhsiga ah, waqtina aan siin in sawirka arrimaha soo kordhay buuxsamo ama asbaabaha keenay iyo natiijooyinka ka dhashayna la koobayo.
  4. Dareenka ammaandarro ee xubnaha bulshada ay ku keentay

macnaysiga reeraysan ama qofaysan oo keena dhinac aan waaqica dhabta ah ee xaalad ama dhacdo ka tarjumaynloola baydho, in aaraada is khilaafsan laysu soo dhaweeyaana adkaato.

  1. Debec ku yimi masuuliyaadka dadka bulshada ugu jira door hoogaamineed, aqooneed ama dhaqan taasoo keentay inaan la helin in arrimaha lagu eego aragti fog iyo bislasnshihii loo baahnaa.
  1. Duruufihii deggenaansho la’aaneed, dagaal ama dhaqaale xumo oo keenay in dabaqaadka fikir iyo da’eed ee bulshadu isku dhex daataan, hanka iyo higsiga bulshaduna soo gaabto, dadku beegsadaan dariiq kastoo kasab, xataa haddii asnu ahay caddaali ama yeelan karo micna liita oo ka fog ka diinta, sharfka iyo dhaqanka suubban ku xusan.
  2. Isbeddellada dowladeed, ka qaybgalka siyaasadeed iyo geeddi socodka diimoqraaddiyadeed oo ahaa qaar wata habab iyo fikir horleh intuba waxay keeneen in xubnaha bulshada ee

hormuudka si ula kac ah ama ka aqoon iuo garasho ay u basl

maraan waddooyinka saxda ah ee ka midho dhalinta arrimahaasi, tallaabooyin la soo kordhiyana marar badannlaysula yimasddo.

Arrimahaa aynu kor ku xusay badidoodu ama wadajirkoodu ayaa keenay ay bulshada iyo hoggaankeeda siyaasadeed ku adkaato gaadhista ujeeddooyinks lafdhabarka ah, dadkana uu ku yimaaddi daal maskaxeed iyo murug afkasreed.

Haddaad tahay qof ka mid ah kuwaa aqoonta iyo bislaanshaha bulsho siyaasadeed ku sifoobay ogow inaad u baahan tahay inaad ku samayso dib u qiimayn doorkaaga bulsho iyo kaalinta aad isu tirisay.

Inta aad si macquul ah u daristid doorkaaga bulsho iyo kaalintaadu waxat ka kaa badbaadin kartaa ku dhaca gefef saamaayn fog adiga, bulshada aad ka soo jeeddo iyo dowladdaba ku leh. Artintaasi was faraqa u dhexeeya bushooyinks soo koraya iyo kuwa dowladaha aqoonta sare

helaya.Halganka ummadeed caqabado aan dhammaad lahayn baa u yaal bulshooyinka aan raadka aqoonta, dowlad wanaagga doodda bulsho ee ku salaysan xidhiidh taariikheed iyo horumar oo lagu eegayo dhacdooyinka aragti soo hormarinaya adeegsiga xaqaaiqa iyo xogta cilmiga.

 

Marxaladaha iyo isbeddellada la socday ee dalka Somaliland soomaray waxaan shaki ku jirin tallaabooyin masiiri ah iyo go’aammo dhaxalgal noqday oo ummaddan ka tallaabiyey caqabado bulsho, siyaasadeed iyo dhaqaale ayaa meelmaray, taariikhdana galay.

Sidaa si la mid ah waxa lala kulmay jiitan iyo gaabis ku yimid dhaqangelinta dawlad wanaagga, koboc dhaqaale iyo hirgelinta hab siyaasadeed si shurrucda waafaqsan, raacaya nidaamka diimuqraadiga ah, kana xor ah qabiil iyo in laysku doorto reerka.

Ra’yiga lagu soo bandhigay maqaalkan wuxuu ka turjumayaa aragtida qoraaga, mana aha mid ka turjumaya siyaasadda tifaftirka, ama Faallada Araweelo News Network.

W/Q.  Abdirahman Ismail Nuux