Araweelo News Network.
Muqdisho(ANN)-Madaxweynaha Dawladda Federaalka ee Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, ayaa meesha ka saaray go’aan uu ra’iisal wasaare Maxamed Xuseen Rooble shaqada kaga joojiyay Agaasimaha Hay’addaha Sirdoonka Qaranka (NISA) Fahad Yaasiin, isla markaana ku magcaabay bedelkiisa Sarreeye Guud Bashiir Maxamed Jaamac.
Qoraal kasoo baxay xafiiska ra’iisal Wasaaraha ayaa lagu faray dhammaan Hay’addaha ay khuseyso in ay si firfircoon ula shaqeeyaan Agaasimaha Ku meel-gaadhka ah ee Hay’adda Nabad-sugidda iyo Sirdoonka Qaranka.
Sidoo kale, qoraalka ra’iisal Wasaaraha Xukuumadda Federaalka ah ee Soomaaliya ayaa faray Xeer Ilaalinta Qaranka in ay baadhis dhammeystiran ku sameeyaan Kiiska Marxuumad Ikraan Tahliil Faarax, si loo horkeeno arrinkan Maxkamad.
Go’aanka ra’iisal wasaare rooble, ayaa daba socday kaddib qoraal uu kaga dalbaday agaasimaha hay’adda Fahad Yaasiin in 48 saacadood uu jawaab lagu qanici karo kaga soo gudbiyo nolol iyo geeri, laakiin jawaabta uu ka bixiyay Fahad Yaasiin dalabka ra’iisal wasaaraha, ayaa sababay go’aanka uu shaqada kaga joojiyay agaasimaha, isla markaana ku magcaabay agaasimaha cusub.
Hase yeeshee Madaxweynaha dawladda Federaalka ee Soomaaliya, Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, ayaa qoraal uu xalay kasoo saaray arrintaa ku amray in uu shaqadiisa sii wato agaasimaha NISA, Fahad Yaasiin, isagoo meesha ka saaray amarka magcaabista iyo shaqa joojinta ra’iisal wasaraha ee madaxada Hay’adda Sirdoonka Soomaaliya.
Madaxweyne Farmaajo, wuxuu go’aanka ka soo baxay ra’iisal wasaaraha ku tilmaamay in uu yahay mid baal marsan xeerarka oo aan waafaqsanayn Dastuurka dalka”.
AKHRI: Al-shabaab Oo Iska Fogaysay Dilka Haweenay Sirdoonka Somalia Ka Tirsanayd Oo NISA U Xanbaarisay
Dhinaca kale, Gollaha Midawga Murrashaxiinta, ayaa ka hadlay arrintan, waxayna qoraal ay soo saareen ku yidhaahdeen, “Golluhu wuxuu u arkaa in go’aanka shaqo joojinta uu fure u yahay caddaalad ay helaan qoyska Ikraan Tahliil oo la afduubay lana dilay. Waxay kaloo billow u tahay soo celinta sumcada hay’adda iyo kalsoonida ay shacbaku ku qabi karaan. Golluhu wuxuu dalbanayaa in baadhitaan lagu sameeyo taliyihii xilka laga joojiyey.” Ayaa lagu yidhi qoraalka ay soo saareen gollaha midowga murrashaxiinta.
Published by Araweelo News Network.
Fadlan la wadaag saaxiibadaa oo warbxinaha iyo wararka ay soo gudbiyaan shebekaddaha Araweelo News Network.
Follow us Twitter@Araweelonews
Facebook@AraweeloNews
instagram@araweelonews
By Arraale M Jama Freelance Journalist and Human Rights activist.
info@araweelonews.com