Araweelo News Network.

Madaxweyne Biixi Wuxuu Aqbalay Iscasilaada Ambassador Baashe

Hargeysa(ANN)-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, ayaa ka aqbalay warqada iscasilaada Ambassador Baashe Awil oo wakiilkii Somaliland ee dalka Kenya ahaa, balse Madaxweynuhu Khamiistii u magcaabay Wasiir ku xigeenka Arrimaha Dibedda. Kaddib isku shaandhayn uu ku sameeyay masuuliyiin xukuumadda ah.

Madaxweyne Biixi, wuxuu xilka wasiir ku xigeenka ee Ambassador Baashe ku gacansaydhay u magcaabay wasiir ku xgeenkii hore ee Wasaaradda Warfaafinta oo markii hore uu ku darau liiska masuuliyiinta uu xilka ka qaaday sida lagu shaaciyay isku shaandhaynta, magcaabista iyo xil ka qaadista kasoo baxday Madaxtooyadda Somaliland Khmamiistii 2 September 2021.

AKHRI: Ambasador Baashe Awil Oo Ku Gacansaydhay Xilka Madaxweynaha Somaliland U Magcaabay

Sida lagu sheegay qoraalka kasoo baxay qasriga Madaxtooyadda eek u taariikhaysan 4 Septenmber 2021, waxa Madaxweynuhu wareegto summadeedu tahay JSL/XM/XKQ/222/1-711/09202, uu kaga Aqbalaad Is-casilaadii uu hore u soo gudbiyey Baashe Cawil Cumar, wuxuuna markaa kaddib magcaabay bedelkiisa.

Waxa i soo gaadhay qoraalkaaga ku taariikhaysan 02/09/2021, ujeeddadiisuna tahay is-casilaadda xilkii laguu magacaabay ee Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah. Sidaa darteed, waxa aan kula socod-siinayaa in aan kaa aqbalay is-casilaaddaa laga bilaabo taariikhda maanta. Waxaan kaaga mahad-celinayaa muddadii aad haysay xilka iyo hawlihii aad u qabatay Qaranka.” Ayuu ku yidhi, Madaxweyne Biixi qoraalka uu ku socodsiiyay Ambassador Baashe Cawil Cumar.

AKHRI: Madaxweyne Biixi Oo Xil Ka Qaadis Iyo Isku Bedel Ku Sameeyay Masuuliyiin Xukuumaddiisa

 

Hase yeeshee Madaxweyne Biixi, wuxuu qoraalka uu saacado kaddib dib ugu magcaabay masuulkii uu xilka ka qaaday ku yidhi, markaan arkay Qodobka 90aad ee Dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland, markaan arkay Aqoontiisa, kartidiisa iyo Waaya-aragnimadiisa, markaan ku qancay in uu hanan karo Masuuliyadda ka dhalanaysa Xilkan ee aan sameeyay la tashi, waxaan go’aansaday in Cabdinaasir Cumar Jaamac Rooble laga bilaabo taariikhda maanta uu ahaado Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Arrimaha Dibedda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Jamhuuriyadda Somaliland.” Ayuu ku yidhi, Madaxweyne Biixi qoraalka.

Published by Araweelo News Network.

Fadlan la wadaag saaxiibadaa oo warbxinaha iyo wararka ay soo gudbiyaan shebekaddaha Araweelo News Network.

Follow us Twitter@Araweelonews

Facebook@AraweeloNews

instagram@araweelonews

By Arraale M Jama Freelance Journalist and Human Rights activist.

info@araweelonews.com