Araweelo News Network.
Hargeysa(ANN)-Guddida Doorashooyinka Qaranka Somaliland, ayaa ka digay in la xidho murrashaxiinta u tartamaya doorashooyinka gollayaasha Wakiillada iyo Deegaanka ee dalka, kuwaas oo noqonaya xubnaha ay shaaciyeen liisaskooda rasmiga ah.
Guddida doorashooyinku waxay sidaa ku sheegen qoraal saxaafadeed kooban oo ay ku wargeliyeen hay’addaha amniga in ay dhawraan sharciga, isla markaana aan la xidhin murrashaxiinta xisbiyada ee ay ku caddeeyeen Liisaskii Komishanku baahiyey ee Gollayaasha Wakiillada iyo Degaanada dalka.
Murrashaxiinta la shaaciyay waxay leeyihiin Xasaanad Sharci, taasoo KDQ uu farayo hay’addaha ay khusayso inay si buuxda u tixgaliyaan. Sidaa awgeed waxa Kommishanku uu si buuxda u caddaynayaa dhawrsanaanta sharciga iyo Xeerka Doorashooyinka iyo Diiwaangelinta Codbixiyayaasha Xeer Lr.91/2020, in uu siinayo Murrashaxiinta rasmiga ah muddada ay ku jiraan Hawlaha Doorashada.”
Sidaas daraadeed, waxa uu Kommishanku si rasmiya ugu gudbiyey hay’addaha ay khusayso sida ay muhiimka u tahay tixgelinta xuquuqaha Xeerku jideeyey, ayay Kommishanka qaranku ku yidhaahdeen war saxaafadeed kooban oo ay kaga hadlayaan dhacdooyinka soo noq noqday ee hay’addaha amnigu ku xidhayaan qaar ka mid ah murrashaxiinta buuxiyay shuruudaha xeerku jideeyay ee u taagan in ay u tartamaan doorashooyinka gollaha wakiillada iyo gollayaasha deegaanka dalka 31 May 2021.
Ataweelo News Network.
info@araweelonews.com.