Araweelo News Network.
#Somalia: Laba #Maamul#Gobolleed Iyo #Midawga Murrashaxiinta Oo Isku Mari Waayay Kulan Ay Ka Yeesheen Xaaladda Siyaasadeed
Muqdisho(ANN)-Gollaha la baxay murrrashaxiinta Madaxweynaha ee mucaardka ku ah xukuumadda Federaalka ee Soomaaliya, ayaa ku guuldaraysatay in ay ku qanciyaan maamul gobolleedyada in ay ka laabtaan go’aankii ay ku taageereen mudda kordhinta xukuumadda Madaxweyne Farmaajo.
Kooxda murcaaradka ee la baxay Gollaha Murrashaxiinta Madaxweynaha iyo hoggaamiyaasha dowlad gobolleedyada Hirshabeelle iyo Galmudug , ayaa isugu yimi kulan ay doonayeen sidii ay meel isaga wada taagi lahayeen xaaladda cakiran ee siyaasada Somalia xilligan.
Hase yeeshee sida ay sheegayaan wararka ka ag dhowaa dhinacyada waxa Wadahadalkaa oo ahaa mid muhiim ah, isla markaana u dhaxeeyey hoggaamiyaasha kooxda murrashaxiinta iyo maamul gobolleedyada oo ujeedadiisu ahayd xalka iyo mawqifka xilligan khilaafka siyaasadeed ee sii xooggaystay uu noqday mid fashilmay kadib markii dhinacyadu isku khilaafeen arrimo dhowr ah.
Wararka la xidhiidha kulankaa, ayaa sheegay in kooxda murrashaxiintu ka dalbadeen labada hogaamiye goboleed in ay cadeeyaan mowqifkooda ku aadan go’aankii Aqalka Hoose ee Baarlamaanka Soomaaliya ee ahaa in dowlada federaalka loogu daro mudo labo sano ah, taas oo ay labada maamul goboleed hore u taageereen.
Kooxda murrashaxiinta, ayaa doonayay in ay ka noqdeen mawqifkii ay hore labada maamul gobolleed ugu sheegeen in ay taageersan yihiin mudda kordhinta, balse labada hoggaamiye ayaa la sheegay inay ku boorriyeen dhankooda kooxda murrashaxiinta inay wadahadal la yeeshaan madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, si xal looga gaadho ismari waaga siyaasadeed, balse kooxda siyaasiinta ayaa ku ganacsaydhay dalabkaa, waxaana sidaa ku bur-buray kulankii ay labada dhinac lahaayeen.
Araweelo News Network.
info@araweelonews.com