Araweelo News Network.

#Kim@Jon: Hoggaamiyaha Ku Hubaysan Nukliyeerka Ee Kuuriya Oo Dadkiisa Uga Digay Macaluul Ka Daran Tii Sagaashanaadkii

Warbixin:

#Pyongyang (ANN)-Hoggaamiyaha Digtaytarka Maddaxa adag ee Kuuriyada Waqooyi Kim Jong Un, ayaa  si layaableh uga hadlay xaalladda dhaqaale xumo ee wadaniisa ka jirta, isagoo ugu baaqaya dadkiisa in mar kale uu dalkiisu galo, masiibadii abaarta iyo macaluusha ee ‘Arduous March'”, taas oo ahayd  erey dacaayad ah oo loo adeegsaday 1990, xilligaa oo macluusha caanka ka ahayd dalkaa loo bixiyay magacaa.

Dalka Woqooyiga Kuuriya oo ku hubaysan Gantaalaha Nukliyeerka, isla markaana dhawrkii sannadoo u danbeeyay cabsi weyn ku abuuray Maraykanka iyo xulufadiisa, ayaa ah dal aannay ka jirin saxaafad madax-banaan iyo nimaad dimuqraadi ahi, waxaana adag sida lagu helo war iyo macluumaad dhab ah oo ka turjumaya xaqiiqda nollosha dhabta ah iyo siyaasada dalkaa, iyadoo xukuumadda Pyongyang  aannay oggolayn in dadweynuhu  ay helaan macluumaad kasta oo aannay dowladdu oggolaan gudaha ama dibedda.

Balse  sida ay warbixin ay soo saartay  Human Rights Watch,  ku shaacisay toddobaadkan,  wuxuu hoggaamiyaha dalkaa, Kim Jong Un oo khudbad ka jeedinayay shirkii Xisbiga Shaqaalaha ee Korea ee khamiistii, kaga hadlay arrintaa.

Hogaamiyaha Kuuriyada Waqooyi, Kim Jong Un  oo Aabihii ka dhaxalay xukunka, wuxuu qaaday jidkii Aabihii mid ka adag, waxaana la xuususuanyahay in xilligaa macaluusha oo ahayd xilli gaajo wada jir ah oo ay weheliso dhibaato dhaqaale oo guud oo ka dhacday 1994 ilaa 1998 Waqooyiga Kuuriya. Abaarta ayaa ka dhalatay arrimo kala duwan, waxaase jirtay in gebi ahaanba wax-soo-saarkii dalka layska ilaabay, isla markaana dalku ku mashquulay tayaynta iyo horumarinta arrimaha Hubka Nukliyeerka iyo Tignoolajiga.

Marka dib loo eeggo saggaashanadkii dowladdu way diiday inay soo dejiso raashinka,  waxayna garab istaagtay barnaamijyo raashin qaybin ahaa, wallaw lagu tilmaamamay in ay ahaayeen kuwo fashilmay, waxayna gebi ahaanba dawladdu mamnuucday adeegsiga ereyga “macaluul” – sidaa darteed  loo adeegsado ereyga “Arduous March.”, waxaana xilligan lagu macneeyay dhawaaqa  Kim inuu yahay mid umuuqda inuu leeyahay wadanku waa inuu udiyaar garoobaa dhibaatada ugu xun ee soo waajihi karta marka la eego duruurafa dhaqaalle.

“Qof walba wuu gaajaysnaa, wuxuu cunay doogga iyo xayawaanka, cawska, iyo jilifta geeddaha,” sidaa waxa tidhi, oo dib uxasuusatay xubin hore oo xisbiga ka tirsan oo da’deedu ahayd 50 jir, waxay sheegtay in waalidkeed ay ku dhinteen xilligii abaarta. “Waxay ahayd wax laga naxo. Waxaad ku arkaysay meydad meelwalba, jidadka, gaar ahaan meelaha tareenka laga raaco. Wasakh, madow, iyo caruur caato ah oo si dirqi ah uga badbaaday xatooyada cuntada, badankooduna sidoo kale way dhinteen, iyagoo itaal daran waxay ku dhinteen guryahooda lama helin maalmo ama toddobaadyo. ”

Wallaw lagu macneeyay digniinta Kim ee xilligan in ay tahay mid laga yaabo inay tahay isku day kale oo looga faa’iideysanayo cudurka faafa ee Covid-19, iyo  si loo sii adkeeyo awooddiisa, ama uu doonayo in waxyaabaha dalka laga dhoofinayo la yareeyo,  balse taas ma cadda.

Dad badan oo Waqooyiga Kuuriya waxay xusuustaan masiibada xilligaa sagaashanaadkii iyo Abaarta oo dishay tiro dad ah oo aan wali la garanayn inta xaqiiq ahaan ay ahaayeen, balse lagu qiyaasay inta u dhaxaysa dhawr boqol oo kun ilaa in ka badan laba milyan. Dadkii ku noolaa xilligaa, waxay ereyada hada uu ka dhawaaqjiyay Kim kor u qaadayaan xusuus naxdin leh oo ku saabsan Waqooyiga Kuuriya xilligii ugu adkaa tan iyo Dagaalkii Kuuriya ee billowday Juun 25, 1950, markii Kuuriyada Woqooyi oo ahayd waddan shuuciyad ah ay weerartay Kuuriyada Koonfureed, taas oo sababtay in Maraykanka oo ka baqayay in nidaamka hantiwadaagu ku fido garab siiyay Koonfurta Kuuriya oo la qabsaday inta badan dhulkeeda.

Dad lagu qoyaasay ku dhowaad 5 milyan oo qof ayaa dhimatay. In ka badan kalabadh ayaa ahaa Qiyaastaas dadka rayidka ah ee ku waxyeeloobay, waana waxyeeladii ugu sarraysay ka dhalata dagaal, marka loo eego  Dagaalkii Labaad ee Adduunka iyo Dagaalkii Vietnam, waxa ka khasaare badnaa dhammaantood dagaalka Kuuriya.

Ku dhowaad 40,000 oo Maraykan ah ayaa ku dhintay dagaalka Kuuriya, in ka badan 100,000 ayaa lagu dhaawacay, wallaw aannnu ahayn dagaalkaasi mid dhammaaday, balse Farsamo ahaan u  joogsaday markii Kuuriyada Woqooyi, Shiinaha iyo Maraykanka oo labada dhinac la kala safnaa  ay gaadheen hub gacan ka qaadis ah sanadkii 1953. Laakiin Kuuriyada Koofureed ayaan aqbalin arrintaa,  mana jirin heshiis nabadeed rasmi ah ay labada dhinac u wada galeen.

By Arraale M Jaama Freelance Journalist and Human Rights activist.

Jaamac132@gamil.com.