Araweelo News Network.
“Gabadh Baa Ii Sheegtay Nin Leh “Annigaa Afartan Qaba”Sheekh Cabdiraxmaan
#Somaliland: Sheekh Ka Digay Qisooyin Kuwii Reer Qooma Luud Ah Oo Hargeysa Kusoo Badanaya
Hargeysa(ANN)-Sheekh Cabdiraxmaan Dheere oo kam mid ah Culimada Magaalada haregysa, ayaa ka digay dhaqamada fooosha xun ee kusoo kordhaya geyiga Somaliland, gaar ahaan magaalada Hargeysa, wuxuuna ka waramay kiisas la xidhiidha fawaaxishkaa oo looga waranay.
“Haddii aan dhaqamada qooma-luud ee soo badanaya aynaan ka hadlin oo iska qaban, dawlad iyo shiciba, waxa iman doonta maalin lala qabsado oo aan wax weyn loo arkin, waxa innagu soo kordhaya dadka dibaddaha ka imanaya qaar badan oo ka mdi ah waxay xanbaarsan yihiin afraar aan la mahadin doonin cidhteeda iyo cawaaqibkeeda.” Ayuu yidhi, Sheekh Cabdiraxmaan oo qudbadii Jimcaha maanta ka hadlay Masjidka uu khadiibka ka yahay ee Magaalada Hargeysa.