Araweelo News Network.

#Somaliland: Madaxweyne Biixi Qaabkee U Fasiray Dhibaatooyinka Dhaqaale Dalka Iyo Duruufaha Jira

Hargeysa(ANN)-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Muuse Biixi Cabdi oo maanta khudbadii dastuuriga ahayd ee 2021,  u jeediyay labada golle ee Baarlaamanka Somaliland, ayaa si gaar ah khudbadiisa ugu soo qaatay arimaha dhaqaalaha dalka.

 

 

Marka la eegayo kala horraynta dhaqaalaha dalalka adduunka, Somaliland waxa lagu tiriyaa waddammada aanu dhaqaalahoodu buurnayn.  Wallaw ay taasi jirto, wuxuu sheegay dhaqaalaha Somaliland  sannadba tallaabuu hore u qaadayey.

wuxuu ku dooday in korodhsiimahu ku yimaado dadaalkii xukuumadihii kala danbeeyey ay u galeen kobcinta dhaqaalaha dalka. Baayac-mushtarka  oo maalgashi sameeyey sida uu sheegay Xukuumadda uu gadh-wadeenka ka yahayna ay ugu jirto  dadaal adag,  sidii dhaqaalaha dalka loo horumarin lahaa.

Afar Qodob Oo Tiirarka Dhaqaalaha

Madaxweyne Biixi, wuxuu sheegay in ay jiraan Afar Tiir oo dhaqaalaha Somaliland ah, kuwaas  kala ah, Dakhliga Hay’ddaha maaliyadeed ee Dawladdau soo xerooda.

Baayac-mushtarka oo dhaqaalaha intiisa badan haya; maalgashiga iyo hadba koboca dhaqaale ee ay sameeyaan, sida  uu sheegay.

 

Sidoo kale, wuxuu sheegay in Taageerada dad-ban iyo maalgashiga ay Dalka ku soo kordhiyaan Qurbe-jooga Somaliland, Maal-geshiga Shisheeye iyoDeeqaha dibaddalaga helo ay qayb ka yihiin tiirarka dhaqaalaha dalka.

 

“Dakhliga iyo Miisaaniyadda Dawladda ee ay Golaha Wakiilladu ansixiyaan inteeda badan (51.67%) waxa lagu bixiyaa Amniga Gudaha, Difaaca Dalka iyo Mushaharka Shaqaalaha Dawladda.” Ayuu yidhi.

Inta soo hadhay Miisaaniyadda waxa lagu fuliyaa adeegyadda aas-aasiga ah iyo hawl-socod-siinta Dawladda (Ictiraaf-raadin, Shaqo-abuur, Mashaariic Horumarineed, Dhisid Kaabayaal Dhaqaale, Waxbarasho, Caafimaadka iyo Helitaanka Biyo la cabi karo IWM). Ayuu raaciyay Madaxweyne Biixi oo sharaxaya qaabka xukuumaddu u isticmaasho miisaanaiyada.

 

 

Mar uu ka hadlayay, kaalmada Deeqaha dibadeed ee lagu caawiyo Somaliland, wuxuu sheegay in ay u badan  yihiin Gar-gaarka Deg-degga ah iyo mashaariic horumarineed oo tijaabo ah.

Sidaa awgeed Madaxweyne Biixi, wuxuu yidhi, “Marxaladda  siyaasadeed ee dalkeenu ku jiro, ee Xukuumadaha Xamar lugta jiidayaan, ayaa carqalad ku ah in Deeqaha Dibedda laga maal-galiyo mashaariic waaweyn oo raandhiis leh.” Ayuu yidhi.

 

“Dastuurkeenu waxa uu qeexay nidaamka iyo haykalka maamul ee dhaqaalaha dalkeenu yeelanayo. Qodobka 11aad ee Dastuurku waxa uu si cad u qeexayaa in Dawladdu dejinayso Siyaasadda guud ee dhaqaalaha, oo ku salaysan mabaadi’da suuqa xorta ah iyo is-garabsiga hantida gaar ahaaneed,hantida wadareed, hantida Qaranka iyo maalgashiga shisheeyaha.”

Madaxweyne Biixi, wuxuu sheegay in nidaamaka  Dastuurka Somaliland waajibiyey in Nidaamka Dhaqaalaha ee Dalku aanu horseedin in Barwaaqada iyo ladnaantu aannay ku koobnaan ama ku ururin koox ama dad tiro yar, si aanay u dhallan dabaqado dhaqaale oo u qaybiya dadka kuwo hodan ah iyo kuwo aan waxba haysan.

Sidoo kale, wuxuu soo qaatay, Qodobka 12aad ee Dastuurka oo qeexaya in dhulku yahay Hanti guud oo ka dhaxaysa ummadda, masuuliyaddiisana ay leedahay Dawladdu.

 

“Haddaba, si aynu uga baxno dhibaatooyinka dhaqaale ee ay ka mid tahay shaqo la’aanta, loona horumariyo Kaabayaasha Dhaqaalaha; Xukuumaddu waxay fulinaysaa shuruucda dalka si loo gaadho hiraalka iyo hiigsiga ay tilmaamayaan Qodobbada Dastuurka ee kor ku xusan,” wallaw Madaxweynuhu aannu  sharaxin sababta qodobkaa iyo qodobada  kale ee uu soo qaatay u shaqayn waayeen.

 

Cashuuraha Dalka

 

Madaxweyne Biixi oo ka hadlayay Cashuuraha, wuxuu sheegay in tan iyo intii Somaliland dib ula soo noqonay xorriyadeeda,  nidaamka cashuuraha ee dalkku ku tiirsanaa Kastamada iyo badeecahaha lagu cashuuro uu yahay nidaam cashuureed oo duug ah, isku halayntiisuna ay aad u hoosayso.

Haddana sidaas oo ay tahay 78% Miisaaniyadda dalkeenu waxa ay ku tiirsan tahay Dakhliga Cashuuraha Kastamada, halka Dakhliga Cashuuraha Barriga ee Miisaaniyaddu tahay 22% kaliya, sidaa awgeed wuxuu sheegay in aynu Qaran ahaan u kordhinno isku-filnaanshaha, wuxuuna xusay in  xukuumaddiisu ku hawlan tahay in laga guuroNidaamkii hore.

 

Dakhliga Bulshada

Madaxweyne Biixi, wuxuu  sheegay  in Bulsho aannay Somaliland lahayn dakhli badan, isla markaana aannay jirin tashiilku.

“Sannadkii inna dhaafay, waxa dalkeena la soo gudboonaaday carqalado waaweyn oo saameyn taban ku yeeshay dhaqaalaha dalkeena oo ay ka kow ahaayeen, Xanuunka COVID-19 oo galaaftay nolosha Malaayin qofCaalamka oo dhan ah, Joojinta Dhoofkii Xoolaha Iyo Ayaxii duullaanka ahaa ee ku habsaday dalaggii la beertay.”

 

Balse Madaxweyne Biixi, wuxuu ku dooday in iyadoo ay jiraan dhibaatooyinkaasi ay haddana Xukuumaddu xoogga saartay kobcinta iyo kor u qaadista dhaqaalaha dalka, wuxuuna  tusaale usoo qaatay miisaaniyada qaranka.

 

“Miisaaniyadda Qaranka ee sannadkii tagay waxa laga maal-geliyey 106 Mashruuc, oo qiimahoodu gaadhayo 173 Bilyan oo SL.Shillin ah, oo dhammaantood maray Qandaraasyada Qaranka iyo Tartan furan.

 

Miisaaniyadda Sannadka 2021-ka waxa la oddorosayaa in laga maal-geliyo Mashaariic Qiimahoodu gaadhayo 273 Bilyan oo SL.Shillin ah.” Ayuu yidhi.

 

Deeqaha

 

Madaxweyne Biixi, isagoo ka hdalaya mashaariicda wuxuu yidhi, “Deeqaha Dibedda aynu ka helno waxa ay dalka ka fuliyeen sannadkii tagay mashaariic horumarineed oo qiimahoodu dhan yahay 164.6 Bilyan oo SL.Shillin ah”

Wuxuuna uga mahad-celiyay  Saaxiibada Somaliland taageeradaa, waxaanse u sheegayaa in Marxaladda ay Somaliland ku jirto ay u baahan tahay taageero intaa ka badan.

 

Shaqaalaha Dawladda , ayuu sheegay in lagu kordhiyay 10% sannadkii tagay, taas oo ka dhigaysa in saddexdii sanno ee la soo dhaafay la kordhiyey tirada Shaqaalaha Dawladda5,150 qof, una dhiganta in guud ahaan Shaqaalaha Dawladda la kordhiyey26%.

 

Wallow Xukuumaddu tirada intaa leegoo shaqaale ah ay qaadatay, haddana dadka shaqo la’aantu hayso waxa ay ka noqonaysaa tiro aad u yar, kamana muuqan khudbada Madaxweynaha qorshe iyo isiraatiijiyad xal u noqnaya mushkilaadaa.

 

Somaliland: Dakhliga Guud ee GDP

 

Marka la eego Dakhliga Guud ee dalka (GDP), Xukuumaddu waxa ay ka maamushaa in ka yar 10%. waxaana ka muuqata Miisaaniyadda Xukuumadda in aanay culayska shaqo la’aanta iyo yaraynta faqriga aanay kaligeed dabooli karin.

Sidaa darteed Madaxweyne Biixi, wuxuu xusay in ay hubaal tahay  in Shaqo-abuurka iyo horumarka dalka xil weyni ka saaran yahay suuqa xorta ah ee dastuurku  jideeyey.

 

Dhinaca kale, wuxuu sheegay Qiimaha Shillinka Somaliland  lagu ilaaliyay 8,500,  halkii Doollar, taas sida uu xusay Sicir-bararka 3.5 %, hoos ugu riday  sannadkii tagay, wuxuuna ku macneeyay heerkii ugu hooseeyay ee muddooyinkii u danbeeyay uu gaadho qiimaha Shillinka Somaliland.

 

Madaxweyne Biixi oo ka hadlayay Baananka ka jira Somaliland, wuxuu sheegay afar Baank ka jiraan, kuwaas oo ah kuwo gaar loo leeyahay, isla maraana ay Shacabka Somaliland dhigtaan lacagta.

“200 Milyan oo Doollar oo dhigaal ah. Sannadkii la soo dhaafay, afartaa Baank waxa ay dayn ku bixiyeen70 Milyan oo Doollar. Taas oo macnaheedu yahay in ay Qasnadaha ku hayeen lacag dhan 130 Milyan oo Doollar oo aan samayn wax dhaq-dhaqaaq maaliyadeed ah.”

Sidaa darteed, wuxuu sheegay in lacagta iska fadhidaa aannay ka qayb qaadan wareega maaliyadeed ee dalka. Balse haddii Lacagtaasi ay wareeg maaliyadeed geli lahayd ay abuuri lahayd Wershado,  isla markaana ay dhisi kari lahayd Cisbitaallo casri ah iyo shaqooyin badan.

 

“ Maadaama ay wali yihiin Baananka kaliya ee dalka ka hawl-gala, walina ayna iman Baanan Caalami ah, Baanankeena, walow ay duruufo gaar ah qabaan, waxaannu ku boorinaynaa in ay hiigsadaan sida ay u shaqeeyaan Baananka Caalamku, kuwaas oo wareeg maaliyadeed galiya inta badan ee dhigaalka lacageed ee macaamiishooda.” Ayuu yidhi Madaxweyne Biixi.