Araweelo News Network.
Khilaafka Xiisadda Soomaaliya Oo Ku Laabatay Halkeedii
Muqdisho(ANN)-Khilaafka Soomaaliya oo cirka isku shareeray mar kale iyo Madaxweynaha xilligiisu dhammaaday ee Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo Ra’iisal Wasaare Rooble oo ugu danbayntii is khilaafay.
Ra’iisal wasaare rooble, ayaa fasaxay mudahaardkii kooxda la baxday midawga murrashaxiinta oo hakiyay Jimhcihii lasoo dhaafay.kaddib kulan ay wada yeeshee koxodaa iyo rooble.
“Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya iyada oo tixgelinaysa geeddi socodka dimuqraadiyada, qabsoomidda doorashooyinka qaranka iyo ilaalinta heshiisyadii mucaaradka waxa ay u ogolaatay mucaaradka codsigoodii ahaa in mudaharaadka ay ku qabsadaan fagaaraha Daljirka Dahsoon” ayaa lagu yidhi, warsaxaafadeed kasoo baxay xafiiska ra’iisal wasaaraha.
Waxa kale, oo lagu xusay in bilowgii, Xukuumaddu u soo jeedisay mucaaradka in ay mudaharaadkooda ku qabsadaan Eng Yariisow Stadium, si loo xaqiijin karo habraacyada xakamaynta COVID-19 .
Balse waxa lagu sheegay qoraalka in markii mucaaradku ku adkaysteen fagaaraha Daljirka Dahsoon xukuumaddu iyada oo tixgelinaysa heshiisyadii la wada gaadhay ay ogolaatay dalabkoda daljirka dahsoon.
Warsaxaafadeedka, ayaa gebagebadii lagu fartay qaban qaabiyayaasha mudaharaadka in ay dibad baxayaasha ku adkeeyaan soo qaadashada Gafuur-xidhka, isla markaana ay kala fogaadaan.