Araweelo News Network.
#Kenya dhankeeda ka hadashay warbixinta ka cadhaysiisay Soomaaliya
Muqdisho(ANN)-Xukuumadda Federaalka ah ee Soomaaliya, ayaa ganafka ku dhifatay go’aan ay soo saareen guddida Urur goboleedka IGAD u saareen khilaafka labada dal ee Kenya iyo Soomaaliya.
Wasiirka warfafainta dawadda Soomaaliya Cusmaan Abuukar Dubbe oo maanta warbaahinta kula hadlay magaalada Muqdisho, ayaa ku tilmaamay warbixitanka guddida IGAD, mid aan dhex-dhexaad ahayn oo dhinac ah.
Wasiir Dube, ayaa sheegay in guddiga xaqiiqo raadintu aannay booqan dhinaca Soomaaliya ee xuduudda u dhexaysa labada dal, wuxuuna si cad u sheegay in warbixintaasi ay dhaawacayso walaaltinnimada labada dal ee Soomaaliya iyo Djibouti, isagoo ugu baaqay guddiga inay ka noqdaan warbixinta,, isla markaana raali gelin ka bixiyaan.
Guddida oo dhawr xubnood oo ka mid ah ay yihiin kuwo u dhashay dalka Djibouti, ayaan weli ka jawaabin hadalka kasoo yeedhay dawladda Soomaaliya ee ku baaqaya in raali gelin laga bixiyo warbixintaa.
Dhinaca kale, Dawladda Kenya ayaa dhankeeda soo dhowaysay warbixinta guddida. Kenya waxayna sheegtay in warbixintu ay caddeyn u tahay in eedeymaha Soomaaliya ay ka dhanka ah Kenya ay yihiin kuwa aan sal lahayn.
Sidoo kale, Kenya intaas ay ku dartay inay caddeyn u tahay in go’aanka ay Soomaaliya xidhiidhka ugu jartay Kenya uu ahaa mid aan qiil lahayn oo saameyn taban ku yeeshey Soomaalida adeegyada iyo gargaarka kale u raadsan jiray dalka Kenya, howlgalka Amisom iyo nolosha shacabka labada dalba waxay sheegtay Kenya inuu saamayn ku yeeshay go’aanka ay Soomaaliya xidhiidhka ugu jartay Kenya.
Guddida IGAD, ayaa hawsha loo xilsaarayy kaddib kulankii hoggaamiyayaasha IGAD ee ka qaybgalay shirkii ka dhacay dalka Djibouti,Dec 20th, 2020 , kuwaas oo ka kooban lix xubood oo ka socda dalka Djibouti oo ay ku jiraan safiirro iyo saraakiil ciidan, iyo xubin kale oo ka socdaUrur goboleedka IGAD.