Araweelo News Network.
Hargeysa(ANN)-Shirweynihii 7aad ee ururka Saxafiyiinta Somaliland ee SOLJA oo maanta la soo gebagebeeyay ayaa lagu doortay hoggaanka saddexda sannadood ee soo socda hagi-doona ururkaa.
Shirka oo ay ka qayb galeen ergooyin ka kala socday gobollada dalka, marti sharaf iyo kor joogayaal ayaa waxaa hagayay shirka xubnaha shir-gudoonka oo kala ahaa Guddoomiye Maxamed Axmed Jaamac (caloolay), Mustafe Sheekh cumar geeddi iyo Shugriya cabdullaahi oo shalay doorteen Ergooyinka Shirku, kuwaas oo muujiyay hoggaamin iyo in doorashada ay ku tartamayeen 19-ka xubnood ay noqoto caddaalada iyo xaq-soor ah.
Gelinkii hore ee maanta waxaa ay ergooyinku ka doodeen wax ka beddelka iyo kaabista dastuurka Ururka, balse falanqayn iyo dood kadib, waxaa in badan oo ka mid ah ergooyinku tilmaameen in khaladaad badani ku jiro dastuurka, sidaa awgeed loo baahan yahay in wakhti intan ka badan la siiyo sixitaanka Dastuurka, waxaana gebogabadii la isla qaatay oo ay ergada Shirku isku raaeen
in dib loo dhigo ansixinta dastuurka ururka, sidaana waxaa loo yeelay in hoggaanka cusub ee maanta la doortay ay dib u eegis iyo naaqishaad ku sameeyaan.
Dastuurka ayaa waxaa lagu ansixin doonaa shir aan caadi ahayn ama shirweynaha dambe ee ururka.
Intaasi ka dib, waxa mid mid loogu codeeyay oo la doortay hoggaanka cusub ee ururka SOLJA saddexda sanadood ee soo socda Maamulaya, kuwaasi oo ka kooban 15 Xubnood.
Xubnaha hoggaanka loo doortay ee ka kooban 15-ka xubnood ayaa waxay kala yihiin.
- Sakariye Axmed Muxumed
- Cabdillaahi xuseen Darwiish
- Cabdifataax Ismaa ciil Mursal
- Cabdiqaadir Nuur Dacar
- Cabdi Xasan cabdi
- Ridwaan caydiid Ismaaciil
- Carraale Maxamuud Jaamac
- Maxamed Guraase
- Maxamed Faarax coomaade
- Muna Ibraahim Dhakhtar
- Raxma cabdillaahi Maygaag
- Muna Toosane
- Faysal Aadan Maxamed (Fifa)
- Xamse cali Bulbul
- Ibraahim Faarax Macaaneeye.
Markaasi ka dib, waxa Guddiga fulinta ee Shir-weynaha lagu doortay ay yeesheen shir gaar ah, waxayna iska dhex doorteen Guddoomiyaha SOLJA ee 3-da sanadood ee soo socda, kaasi oo loo doortay Sakariye Axmed Muxumed, Guddoomiye ku-xigeen oo loo doortay cabdillaahi Xuseen Darwiish,halka Xoghayaha SOLJA loo doortay Maxamed Guraase.