Araweelo News Network
Berbera(ANN)-Badda Magaalada Berbera, ayaa sababtay geerida laba wiil oo dhalinyaro ah, kuwaas oo ku dabaalanayay Badda.
Labada wiil ee dhalinyarada ah, ayaa la sheegay in ay saaka ka tageen Caasimada Hargaysa, iyagoo halkaa u tegey sidii ay Badda ugu dabaalan lahaayeen, balse ay geeriyoodeen kadib markii ay Baddu liqday.
Dhalinyaradan ayaa magacyadooda lagu sheegay Samiir Cali Cabdi iyo Maxamed C.raxmaan Xaashi, waxaana ka badbaaday shilkaa wiil oo la socday labada marxuun sida uu warbaahinta u xaqiijiyey Taliyaha hawlgelinta Ciidanka Booliska ee Gobolka Saaxil Aamiin maxamed Cabdi.
Taliyuhu ayaa intaa ku daray in la aqoonsaday labada marxuun ee geeriyooday, wuxuuna ugu baaqay dhallinyaradda Somaliland ee dabaasha iyo dalxiiska u imanaya magaalo xeebeedka Berbera ay ka taxadiraan inay galaan badda maadaama ay xiligan cartamayso oo ay kacsantahay.