Boorama(ANN)Taliyihii Aaga Galbeedka Ciidanka Qaranka Somaliland Gaashaanle sare Xasan Caqli iyo sarkaal xiddigle ah oo lagu magcaabo Faarax Carraàle, ayaa lagu toogtay sàaka màgaalada Boorama ee xàrunta gobolka Awdal.
Labada sàrkaàl waxa toogtay askàri ka tirsanaa ciidànka,kaas oo xerada dhexdeeda ku toogtay sidà uu Idaacada BBC u sheegay Badhasaabka Gobolka Awdàl Maxàmuud Càli Sàleebaàn (Ramaax).
Badhasaabka ayaa sheegay in uu dhintay xiddigle Faarax, isla màrkaana Gaashaanle sare Xasan Caqli xaaladiisu aad u liidàto oo làgu dàwaynayo cusbitaaalka Boorama.
Askàriga fuliyay dilkaa ayaa goobta làgu qàbtay sida uu sheegay guddoomiye Ràmaax.
Sannàdii u danbeeyày waxa Somaliland kusoo kordhayay toogashooyinka sidan oo kalàe ee saraàkiisha ciidamadà,kuwaas oo aan si dhab ah loo ogayn waxa ay salka ku hayaan.