Araweelo News Network
Laascaanood(ANN)-Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka Iyo Wacyigelinta Jamhuuriyadda Somaliland Saleebaan Yuusuf Cali (Koore), ayaa xaqiijiyay in baadhitaan caafimaad oo lagu sameeyay laga helay xannuunka COVID-19.
Wasiir Saleebaan Koore oo ka mid ahaa xubno Wasiiro oo hawlo shaqo u jooga gobolka Sool, ayaa sheegay inuu yahay qofkii ugu horeeyey ee lagu baadho shaybaadhka lagu oggaado cudurka COVID-19, kaddib markii ay xukuumaddu gaadhsiisay gobolka Sool qalabkaa baadhitaanka.
Mr. Koore oo Warbaahinta Kula Hadlay Xarunta Gobolka Sool ee Laascaanood, ayaa cadeeyay jawaabta baadhitaanka lagu sameeyay ee xannuunka COVID-19, ee lagu oggaaday inuu qabo xannuunka, wuxuuna xusay in xaalladiisa caafimaad wanaagsantahay.
Dhinaca kale, Wasiirka Warfaafinta oo xubin ka ahaa guddidii xukuumadda Somaliland u saartay xannuunka COVID-19, ayaa sheegay in cudurkaasi muddooyinkii u dambeeyey uu bulshada caalamka saameyn weyn ku lahaa dad badan oo reer Somaliland ahna laga helay.
Balse dadku u qaateen inuu dhammaaday xannuunkaasi, walaw ay weli jirto khatarta cudurkaasi, sidaa awgeed loo baahanyahay in aan lays dhigan ee la sameeyo taxadar iyo feejignaan.
Mr. Koore, wuxuu sheegay in aannay xaalladan kusoo korodhay aannay waxba ka bedelayn shaqada qaranka u hayo iyo hawshii shirka nabadaynta ee ay halkaa u tageen, degmada Adhi-cadeeye ee gobolka Sool.
Wuxuuna xusay in hwsha nabadaynta intii ugu badnayd soo dhameeyeen isaga iyo wasiirka arrimaha dibadda ee Somaliland Yaasiin Xaaji Maxamuud Xiir (Faratoon), oo ku weheliya hawshaa, isla markaana ay soo gabogabayn doonaan dhawaan Insha Allah.