Araweelo News Network
Madaxweyne Biixi Oo jeediyay khudbad soo jiidatay dhegaha Bulshada oo dulqaad baddan iyo deganaasho laga dareemayay.
Hargeysa(ANN)-Madaxweynaha Somaliland, Muuse Biixi Cabdi ayaa ka muujiyay garawshiiyo dhaliisha mucaaradka ee toosinta ah, wuxuuna ku tilmaamay mid sixitaan ah oo loo baahanyahay, isla markaana aan habboonayn in si kale loo fasiro.
Madaxweyne Biixi oo ka qeyb-galay Xafladda qalin-jebinta Jaamacadda Hargeysa ee Dufcaddii 17aad oo lagu qabtay Hoolka Jaamacadda Hargeysa maanta, wuxuu jeediyay khudbad soo jiidatay dhegaha Bulshada oo dulqaad baddan iyo deganaasho laga dareemayay.
Khudbada Madaxweyne Biixi oo tilmaan, tusaale iyo garawshiiyo xanbaarsanayd, isla markaana uu ku hilaadiyay sidii dalku horumar ku gaadhi lahaa, iyadoo gamcaha lays haysto mucaarad iyo muxaafudba.
Madaxweyne Biixi, ayaa khudbadaa jeediyay kaddib markii uu Hoggaamiyaha Xisbiga Mucaaradka ee WADDANI, madasha ka jeediyay dhaliilo oo qaab farshaxan ah usoo dhigay oo qodobaysan, isagoo ku iftiimiyay Siyaasada Waxbrashadda dalka iyo Waddooyinka, isala markaana tusaale usoo qaatay Waddada Ceeraabo iyo Waddada Berbera Corridor.
Hase yeeshee Madaxweyne Biixi oo tilmaamaya doorka mucaaradka iyo sababta ay Somaliland u qaadatay nidaamka dumuqraadiyadda ee samaysatay Axsaabta, ayaa ka hadlay dhaliilaha uu xukuumaddiisa usoo jeediyay Hoggaamiye Xirsi, wuxuuna Madaxweyne Biixi oo muujinaya garawshiiyo ku tilmaamay Xirsi nin ku fiican mucaaradka iyo inuu wax toosiyo oo tilmaamo si aan naxli lahayn, taas oo Madaxweynuhu sheegay in ay tahay ta loo baahan yahay.
Halkan Ka Daawo Madaxweynaha oo Khudbadiisa kaga hadlaya arrimahaa.
AKHRI: “Xisbiyada Mucaaridku, Waa innay Dawladda marrada ka qaadaan” Madaxweyne Biixi