Araweelo News Network
Hargeysa(ANN)-Xukuumadda Dalka Taiwan, ayaa si rasmi ah uga furatay dhismaha Xafiiskeeda safaaradeed ee ay ku yeelanay Somaliland, kaddib markii labada dawladood ay dhowaan xoojiyeen xidhiidhkooda mudada soo taxnaa.
Munaasibad loo qabtay furitaanka Xafiiska Taiwan ee Caasimada Somaliland ee Hareysa laga furay maanta, waxa ka qaybaglay Wasiirka Arrimaha Dibadda Somaliland, Prof. Yaasiin Xaaji Maxamuud (Xiir), Xubno kale oo ka socday golaha wasiirada Somalialnd, masuuliyiin ka socday xisbiyada qaranka Somaliland, Safiirka Dawladda Djibouti ee Somaliland iyo marti sharaf kale.
Safiirka Taiwan usoo magcawday Somaliland Mr, Leu chen Kuwa, ayaa markii la saaray barxada dhismaha Calanka Dalka Taiwan, wuxuu ka hadlay ujeedada xafiiska Taiwan iyo waxyaabaha ay Somaliland iska khaasanaayan, isagoo dawladda Somaliland uga mahad-celiyay maamuuska sare ee ay furista safaaradda iyo xidhiidhka iskaashi ee labada dal.
Mr, Leu chen, wuxuu si gaar ah u tilmaamay inay Somaliland si weyn ay uga taageeri doonaan dhinacyada arrimaha bulshada, gaar ahaan horrumarinta Beeraha, daryeelka caafimaadka, Tignoolajiyadda, waxbarashadda, ammaanka, tamarta, macadanta iyo maal-gashiga.
Dhinaca kale, Haweenayda Madaxweynaha ka ah Dalka Taiwan Tsai Ing-wen iyo wasiirka Arrimaha Dibadda ee dalkaa Mr. Joseph Huu oo xaflada munaasibadda kaga qayb galay khadka isgaadhsiinta casriga ah, ayaa sheegay in ay ku faraxsan yihiin furitaanka xafiiskooda Hargeysa iyo xidhiidhka labada dal ee sii xooggaysanaya.
Tsai Ing-wen, waxay sheegtay in ay Somaliland iyo Tawian wax badan iska kaashanayaan, iyadoo tilmaantay waxyaabaha ay wadaagan iyo meelaha ay doonayaan in ay Somaliland kala sameeyaan iskaashi.
Wasiirka Arrimaha Dibadda ee dalka Taiwan Mr. Joseph Huu, wuxuu hadalkiisa ku sheegay in furitaanka xafiiskooda Hargeysa aannu ahayn mid wax u dhimaya amaanka mandaqada iyo gobolka, balse uu yahay mid dhanka horrumarka ah oo ay ujeedadu tahay in ay wax badan iska kaashadaan Somaliland oo ah dal ay dhanka qadiyada, horrumarka, dumuqraadiyada, xoriyada iyo amniga ay wadaagaan.
Dhinaca kale, Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Dibadda Jamhuuriyadda Somaliland Prof: Yaasiin Xaaji Maxamuud Xiir (faratoon) oo munaasibadda soo gunaanaday ayaa soo dhaweeyay firitaanka Xafiiska Taiwan, wuxuuna xusay in furitaanka xafiiskaasi yahay mud iskaashi iyo wax wada-qabsi dhabta ah oo dhex maray labada dhinac, isagoo madasha ka sheegay in todobaadyo ka dib dalka Taiwan laga furi doono safaaraddii Somaliland.
Somaliland iyo Taiwan oo cilaaqaadkoodu soo socday muddo sannado ah, ayaa dhowaan sii xooggaystay, kaddib markii labada dhinac is dhaafsadeen booqashooyin dublamaasiyaseed iyo wufuud labada dal isu weydaartay, isla markaana balan qaadeen in ay iskaashi samaynayaan, oo ay is dhaafsadaan xafiisyo, taas oo ay xukuumadda China si weyn uga cadhootay oo sababtay in wefdi ka socda dalka China ay oo daba socda arrintaa ay booqasho ku yimaadaan Somaliland, kuwaas oo kulan la yeeshay Madaxweynaha Somaliland iyo masuuliyiin kale, iyadoo kulankaa oo aannay warbaahintu goob-joog ka ahayn ay Madaxtooydda Somaliland dhankeeda sheegtay inuu ku dhammaaday isfaham, walaw aannay wefdiga China ka hadlin dhankooda.