“Shirkadduhu waxay soo bandhigeen cabasho baddan, waynu u garaabaynaa, waxayse balanqaadeen,,,,” Xildhibaan Waabeeyo
Hargeysa(ANN)-Guddida Khayraadka Dabiiciga ah iyo deegaanka ee golaha wakiiladda Somaliland, ayaa kulan ay la yeesheen shirkaddaha bixiya Adeegga Laydhka ee Magaalada Hargeysa ku weydiiyay arrimo la xidhiidha adeegga ay Bulshadda u hayaan ee Laydhka.
Kulankaa oo uu guddoominayay Guddoomiyaha Guddida Khayraadka dabiiciga ah iyo deegaanka ee golaha Wakiiladda Xlldhibaan Maxamed Xaaji Yuusuf (Waabeeye), waxay guddi hoosaadka iyo masuuliyiinta ka socday shirkadduhu isku weydiiyeen wax badan, iyadoo arrimaha wax laga weydiiyay shirkaddaha Laydhaka ay ka mid ahayd waxa ay kaga jawaabayaan cabashooyinka qaar ee qiimaha Laydhka Hargeysa.
Xlldhibaan Maxamed Xaaji Yuusuf (Waabeeye) oo guddoominayay kulankaa, ayaa sheegay in shirkadduhu soo bandhigeen duruufo badan oo u baahan garawshiiyo, balse waxa uu sheegay in ay dhammaantood balanqaadeen oo ku hawlan yihiin sidii ay Bulshaddu u heli lahayd Laydh qiime hoose ah.
Dhinaca kale Maareeyaha Shirkadda ugu balaadhan ee bixisa adeega Laydhka Hargeysa ee SOMPOWER , Cabdullaahi Beershiya oo madasha ka sheegay in ay iyagu shirkad ahaan yihiin kuwa jebiyay qiimaha Laydhka labadii sannadood ee u danbeeyay dhawr jeer ilaa ay gaadhsiiyeen meel hoose oo ah $ 0.63, , balse ay jiraan duruufo iyo caqabado aannay dadka cabanayaa ogayn oo ku xeeran shirkaddaha, wuuxuna sheegay in guddida markii ay u warameen ay ku qanceen waxyaabihii ay ku doodeen shirkadduhu oo ay la qaateen guddida wakiiladda ee Khayraadka dabiiciga ah iyo deegaanka.
Maareeyaha SOMPOWER, Cabdullaahi Beershiya oo kulanka kadib Telefishanka Horn Cable wax ka weydiiiyay waxyaanaha ay shirkadduhu kaga jawaabeen cabashadaa iyo duruufaha ay ka cabanayaan shirkaddaha Laydhku.
Waxa kale oo Maareeyaha Sompower ka hadlay dhibaatooyinka ay la kulmaan eek u xeeran adeega shirkaddaha, isagoo sheegay in shirkadda SOMPOWER ay tahay shirkadda ugu shaqaalaha badan shirkaddaha Laydhka, taas oo uu sheegay in ay culays weyn ku tahay.
Halkan Ka Daawo Kulankaa Xildhibaan Waabeeyo iyo Maareeyaha Shirkadda Sompower oo ka hadlaya arrimahaa.