Ereyga ‘Punt’ waa erey magac ah oo sida la sheegay waayadii hore loo qayaanay jiid balaadhan oo ka tirsan dhulweynaha Soomaalida. Waa jiidda dhanka koonfureed kaga teedsan badacas ee ka soo bilaabanta gobolka bari ee Boosaaso magaalamadaxda u tahay ilaa gaadhsiisan dhulka canfarta ee Djibouti iyo Eritrea.
Faraaciintii hore, sida la sheegay dhulkaa wax ay u yaqaaneen dhulka awoowyada ay ka soo jeedaan ama ka isiran yihiin. Sida ku xusan qoraaladii ay ka tageen ee ku qoran hannaanka loo yaqaano “haragliif” saddexdan xaraf “PWN” oo la raaciyay qodobka dhedigga ee “t”. Taas oo giriigu ugu dhawaaqay Punt. Se marka aad u fiirsato xarafaha oo aad dhawaaq u yeesho noqonaya BUUNTA.
Haa, waa sidaa, waayo iyagu xarfaha sidan ” PWNT” uma ay qori jirin, se wax fartoodu u qormi jirtay hanaan sawiro ah, oo sawir walba u taagan yahay Xaraf. Tusaale, marka ay doonayaan in ay qoraan “L” wax ay sawiri jireen libaax fadhiya, iwm. Haddaba, ereyga ‘buun’ wax ay ku muujin jireen saddex sawir oo ka dhexdu yahay shinbir ama digaagad yar oo dhal ah oo u taagnay xarafka “W” mararka qaarna noqota dhawaaqyada “U” ama “UU”.
BUUN waa erey soomaali ah oo loo yaqaan wax la afuufo oo ka samaysan gees xoolaad. Haddaba dhulkan ay PUNT ama BUUNTA (marka lab laga dhigona waa BUUNKA) u yaqaaneen waa dhulka haddeer loo yaqaan geeska Afrika (buunka Afrika). Miyaan markaa magaca PUNT ahayn magacii BUUN oo inta Giriig afkiisa ku turjuntay   dhalanrogmay.
Inta afkeenii Giriig badalay ayaynu inaguna isaga dib uga soo qaadanay isaga oo macne kale wata. Punt ama buun, lama macne aha ‘udug’. Se dhulka ‘Buun’ ayaa ah dhulka udugga Faraaciinta, Giriigga iyo Roomaanku ka gadan jireen, haddeerna udugga dunida isticmaasho 80% waxa laga dhoofiyaa dhulkan Soomaalida. Malahaygana halka udugga iyo magaca laga xidhiidhinayaana waa halkaas.
Inta dunida gashi igaga maqan, garanba maysaan.
Guuleedayaanle Axmed Cumar
Ayaanle77@yahoo.com