Markasta oo ay ufada doorashadu soo carafto waxa bata buuqa, borobagaandada iyo isbahdilka u dhexeeya reeraha dhexooda, reer walba wuxuu iska dhigaa ka la dulmiyay ee xaqiisii ka maqanyahay ha u horreeyaan walaalahayga reer Boorama, ee calaacalka ay kaga dhagtay waxan xasuustaa nin xoola dheeraad ah haystay balse afka ka xunbayn jiray xidida margigu barari jireen isagoo ku dooda reerka dhexdiisa xaq baa iga maqan.
maalin maalmaha ka mid ah ayuu nin ay saaxiib ahaayeen isku kaliyaysteen ka dibna si hoose ayuu ula hadlay oo ku yidhi ninyahaw adoo saa’id haysta ayaad hadana buuq iyo cabasho badantahay wuxu ku jawaabay; “Waxaan doonayaa si la iigu daayo oo aan loogu soo xisaabtamin dheeraadkan aan haysto” sidasi bay ka dhiganyihiin walaalahayga reer boorama way ogyihiin kuwooda caqliga lihi inay dheeraad haystaan waxase inaga maqan inaan runta isku sheegno oo aan si cilmi iyo caqli leh isku qancinno iskana fogayno caadifadda naf la caaridka ah ee aan warbaahinta la soo fadhiisanayo, inagoon xishood iyo sariig midna ku hubaysnayn.
Waxaad iswaydiisaa waxa uu kuu qabto xildhibaankaad dooratay 2005tii, maxaad baratay 15kaa sanno ee uu isaguna kaa faa,iday kuna noolaa mooshinkiisa? Ma la xisaabtami kartaa mise sida loogu xiiqsanaado ayaad taqaanaa?
Ma garan kartaa oo ma qiimayn kartaa Degmada iyo jufada aad u xunbaynayso waxa u qabsoomay iyo waxa ka qabyo ah?
Adigu ma hangool la sito oo ooddaha iyo balaayooyinka loo dhigo ayaad noqotay?
Maxaan ku kala garan karnaa ama ku kala sooci karnaa adiga( Aqoonyahan ismoodkoow) iyo kuuliga qayilaya iyo afku xooglaha?
Su,aalahaa haddaad jawaab waafi ah u heshiin sidan la idiinma adeegsadeen. Waxa waddanka lagu qiyaasaa 70% inay dhalinyaro yihiin lamase qiimayn (intii ogaalkayga ah) inta waxbaratay iyo inta magaca ah jaamacad baan ka baxay leh?
Aqoonta waxaan u naqaanaa afku xooglaninada iyo gacan fudaydka sidaasi bay kuwa xumaanta iyo isku dirka wadaa u helaan taageero ka dibna wiilkii ama gabadhii dhalinyarta ahaa waxay ka fikirayaan sidii ay mawjadda ugu biiri lahaayeen una muuqan lahaayeen ismase waydiiyaan sidee baan u badali lahaa dhaqanka ummadda ragaadiyay ee qayrkii ka reebay?
Sidan ay dhalinyarta waddanku ku socdaan waa dhiigbax aynaan dhaadayn balse aynu dhabanada qabsan doonno markay sidi neef bakhtiyay dhulka ugu dhacaan Dhalinyarta ha la baro ama ha bartaan wixii naftooda u dan ah, siday u shaqaysan lahaayeen oo ay uga dheeraan lahaayeen balwadaha, beenta iyo borobogaandada. Hadday runtu ku dhibtay waad u dulqaadan, haddaad maaweelo la qabsatayna iska liq waa kaar jabiye kuu roon.
Ra’yiga lagu soo bandhigay maqaalkan wuxuu ka turjumayaa aragtida qoraaga, mana aha mid ka turjumaya siyaasadda tifaftirka, ama Faallada Araweelo News Network.
Mohamed Ali Yusuf (Alja)
Mainz Germany