IMG_20150720_101850Boorama(ANN)Xaalad Biyo yaraan ayaa soo food saartay todobaadyadii u danbeeyay magaalada Boorama oo ka mid ahayd magaalooyinka Somaliland ee aanay cabashooyinka Biyuhu ku badnayn tan iyo markii biyaha loo gacan geliyay inay si gaar ah u maamusho shirkad gaar loo leeyahay oo lagu magcaabo SHABA, taas oo maamulka Biyaha Boorama gacanta ku haysay dhawr iyo tobankiii sanadood ee u danbeeyay.
Weriye Carraale M Jama oo ah Tafaftiraha Shebekada Araweelo News Network oo dhowaan booqday Magaalada Boorama ayaa la kulamay Cabdiraxmaan Cigge Faarax oo ah Guddoomiyaha Shirkadda Gacanta ku haysa Biyaha Magaaalada ee SHABA, wuxuuna warbixin kooban ka siiyay xaalada xiligan ee Biyaha iyo sababaha keenay cabashooyinka Biyaha magaalada waqtigan.

IMG_20150721_100949
Guddoomiye Cabdiraxmaan wuxuu sheegay in xilligan ay markii u horaysay joojiyeen inay Biyo gelin siiyaan Gurayaha, taas oo sida uu sheegay ay ugu wacantahay xaalad biyo yaraan oo soo food saartay, wuxuuna isagoo arrintaa ka hadlaya yidhi, “Boorama waxa xiligan Biyuhu ku jiraan 10 300, (Toban Kun iyo saddex boqol oo guri), markii aanu la wareegnay Biyaha qiyaastii 800 (Siddeed Boqol oo Guri) ayay ku jireen, waxaanu labadii sanaba kordhinaa ilaa 500, (Shan Boqol oo guri ). Sidoo kale markii aanu la wareegnay sanadkii 2003, Ceelasha Biyuhu waxay ahaayeen 4 Ceel oo ay ku jiraan 4 Bam iyo 2 Mishiin oo yar yar, 11 sanadood kadib xilligana waxay marayaan 8 Ceel iyo 16 Mishiin oo Ceelkiiba Laba Mishiin dul yaalaan, iyadoo Afartii Ceel ee aanu la wareegnay mid gudhay, waxaan labadii sanaba kordhinaa Ceel, shaqaalaha hadda ka shaqeeyaa waa 60 qof, iyadoo aanay jirin cid arrintaa nagu taageertay Xukuumad iyo Hay’ad midna, marka laga reebo Hay’adda UNICEF ooh al Ceel naga caawisay, waad arki kartaa dedaalka iyo horumarka xagga Biyaha ee ay samaysay Shirkadda SHABA intii ay maamulaysay Biyaha Magaalada.” Ayuu yidhi Guddoomiyaha SHABA.

IMG_20150721_103837
Hase yeeshee wuxuu sheegay in Biyo yaraanta xiligan aanay ahayn mid ka timi wax soo saarkii oo yaraaday, balse ay sabab u yihiin dhawr arrimood oo sida uu sheegay ay kow ka yihiin Ceelasha Biyaha oo Biyihii fogaadeen, taas oo ay ugu wacantahay Abaarta ku habsatay deegaanka AWDAL oo aan helin raxmaadkii Guga ee sanadkan iyo sidoo kale magaalada oo balaadhatay oo dhismayaal baddan ka socdaan iyo Bulshada magaalada oo sii kordhay marba mark ka danbaysa.

IMG_20150721_100800
“Waxa hore noo meel martay Boorama labada gamcood ayay ku maydhtaan, waxaase xaqiiq ah in qaabka magaaladu juquraafi ahaan u dhisantahay aanay Boorama haysan Biyo ku filan mustaqbalka, waana arrin waqtigan qayb ka ah in Biyaha laga cawdo, sababtoo ah magaaladu way fidaysaa, dadkiina wuu kordhayaa, mar walbana baahida ayaa sii kordhay ee ma jiro wax soo saarka Biyaha wax iska dhimay, tusaale ahaan xilliyada Xaggaaga iyo Jiilaalka ee Jun iyo Julya wax soo saarka Biyuhu wuu ka badnaa oo Bishii Jun 2015, wuxuuna gaadhay 90,104m3, marka loo eego sanadkii hore oo bishan oo kale ay soo baxeen 85, 667 m3, balse marka la eego Ceelasha Biyaha ayaa ah kuwo hoos u socda oo garaafkii ay joogeen kasii socda.” ayuu yidhi Cabdiraxmaan Cigge Faarax oo ah Guddoomiyaha Shirkadda Gacanta ku haysa Biyaha Magaaalada ee SHABA.

IMG_20150720_112938
Wuxuuna meesha ka saaray dhaliilo dadka qaar u jeedinayaan oo la xidhiidha qaabka ay u maamulan Biyaha, isagoo ku dooday kuwo aan waxba ka jirin oo aan ku dhisnayn xaqiiqda, isla markaana wuxuu xusay in ay shirkad ahaan yihiin Dareewal gaadhi loo dhiibay oo kale oo la doonayo inuu si fiican u waddo 77%, dadka ku nool magaaladana ay helaan biyo ku filan, wuxuuna isagoo dhinaca kale xusay in Dawlada dhexe wasaaradda Biyuhu masuul uga tahay Biyaha dalka, taas oo siyaasadeeda ay ku shaqaynayaan shirkad ahaan, isla markaana dawlada Hoose Dhisma hoosaadka kaabayaasha Dhaqaallaha sida Taangiyada iyo meesha Biyaha la marinayo iyadu maamusha.
Guddoomiyaha Shirkadda SHABA Cabdiraxmaan Cigge Faarax , ayaa sheegay in Dawlada Hoose ee Boorama $ 3% qaadato dakhliga soo gala, halka Wasaaradda Maaliyadda Somaliland $ 5%, ay siiyaan, isla markaana wasaaradda Biyuhu 120 S.land Shiling ku leedahay halkii m3 ee biyo ah, wuxuuna xusay in mustaqbalka Biyaha magaalada Boorama u baahantahay uu yahay mid loo baahanyahay in laga hawlgalo, maadaama mandaqada geeska Afrika ay tahay meel inta baddan aan Biyuhu ku badnayd sidaa awgeed gobolka Awdal uu ka mid yahay mandaqada, isla markaana magaalada Boorama qaabka ay Juquraafi ahaan u taal iyo cimilada marba mark aka danbaysa is bedelay iyo korodhka dadka oo sii badanaya ay sababayaan in biyuhu sii fogaadaan oo isticmaalkoodu sii kordhaya maalinba maalinta ka danbaysa.
Somaliland Office
Email info@araweelonews.com
Jaamac132@gmail.com
Twitter: Arraale M Jama @Araweelonews.