Hargeysa(ANN)-Hargeysa(ANN)-Wasaaradda Horumarinta Caafimaadka oo warbixinaha COVID-19, maalin walba la wadaagta warbaahinta , ayaa ka hadashay maanta, tirada cusub ee xannuunka laga helay oo noqonay 18 qof.qof.
Madaxa xidhiidhka Dadweynaha ee Wasaaradda Caafimaadka Somaliland Xuseen Maxamed Yuusuf, ayaa sheegay in Wadarta isu-geynta guud Somaliland dadka qaaday xannuunka COVID-19, marka lagu daro tiradaa ay noqonayaan 376 qof, halka dadka u dhintay ay gaadhayaan 22 qof, kuwa kasoo kabtay ee ka bogsadayna ay noqonayaan 54 qof.
Madaxa xidhiidhka Dadweynaha ee Wasaaradda Caafimaadka Somaliland oo ka hadlayay tirada dadka cusub ee ay maanta shaaciyeen oo ah 18 qof, ay 15 qof oo ka mid ah ku nool yihiin Magaalada Hargeysa, halka 3 qof oo kunool yihiin Boorama.
Warbixinaha Wasaarada Caafimaadka, ayaa muujinaya sida uu xannuunku ugu baahayo Magaalooyinka Hargeysa, Boorama iyo Berbera, walaw aannu jirin baadhitaan guud oo lagu oggaanayo sida ay xaaladdu tahay iyo heerka xannuunku gaadhsiisanyahay Magaalooyinka waaweyn, isla markaana dadka inta baddan la shaaciyo ee laga helo xannuunka ayaa ah kuwo iskood ula soo xidhiidhay Cusbitaalada iyo Wasaaradda Caafimaadka, kadib markii ay ka shakiyeen xannuunka COVID-19, ee ay isku arkeen calaamaddaha sida ay mar walba ku xusto Wasaaradda Caafimaadku warbixineheeda.
AKHRL: Laba Wasiir Oo Ka Tirsan Xukuumadda Madaxweyne Biixi Oo Shaaciyay In Ay Qabaan COVID-19
Somaliland waxay imika ka mid tahay meelaha uu cudurka uu kusii faafayo, iyadoo maalin walba la soo bandhigayo tobannaan xaalado cusub ah, iyadoo shalay laba kamid ah xubnaha Golaha Wasiirrada ee Xukuumadda Somaliland laga helay cuddurka Covid-19.
Wasiirka Wasaaradda Maalgeshiga Maxamed Axmed Cawed iyo Wasiirka Isgaadhsiinta iyo Technologyadda Dr Cabdiweli Sheekh Cabdilaahi Suufi, ayaa labadooduba xaqiijiyey in laga helay xannuunka Covid-19 oo ay astaamihiisa isku-arkeen kaddib markii baadhitaan lagu sameeyey.