Hargeysa(ANN)-Wasaaradda Horumarinta Caafimaadka ee Somaliland, ayaa shaacisay tirooyin kiisas cusub oo cuddurka Coronavirus ah, kaddib baadhitaanno la sameeyey 24-kii saacadood ee u dambeeyey.
Sidaana waxa sheegayAgaasimaha Guud ee Wasaaradda Caafimaadka Dr Maxamed Cabdi Xergeeye oo warbixinta maalinlaha ah ee xannuunka Covid-19, la wadaagay warbaahinta, wuxuuna xaqiijiyey 8-kiis oo ku soo kordhay tiradii hore ee dadka laga helay cuddurka Covid-19 ee dalka, taas oo ahayd 121 qof, isla markaana wuxuu xusay in tirada guud ay ka dhigayso 129 qof oo laga helay xannuunkan gudaha Somaliland inta la ogyahay.
Dr. Xergeeye, waxa kale oo uu sheegay in tirada dadka xannuunka u dhintay ee la hayo diiwaankooda ay gaadhay 10 qof, halka 8 qof oo ka mid ah tirada dadka xannuunka laga helay ee Somaliland ee maanta la shaaciyay 5 ka mid ah ay ku nool yihiin gobolka Saaxil, 2 ka mid ahina magaalada Burco ee gobolka Togdheer, hal qof oo ka mid ah sideedaa uu ku nool yahay magaalada Hargeysa ee caasimadda Jamhuuriyadda Somaliland.
Agaasimaha ayaa ugu baaqay bulshada in ay is dhawraan maadaama uu xannuunku sii faafayo, sidaa awgeed loo baahanyahay in la muujiyo taxadir dheeraad ah oo la raaco tallooyinka wasaaradda Caafimaadka.